4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Kenya oo sheegtay inay burburisay kaydad hub oo Al-shabaab ay ku lahayd Kismaayo iyo Al-shabaab oo beenisay Arrintaas
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha u hadlay milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku burburiyeen kaydad hub oo ay Al-shabaab lahayd iyo saldhigyo ay isticmaali jireen Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay beeniyeen warkaas.

Saraakiisha u hadlay Kenya waxay sheegeen in saddex gantaal ay diyaaradahoodu ku dhufteen kayd hubka Al-shabaab ayna gubteen dhammaan hubkii halkaas ku jiray, balse ma aysan sheegin khasaare nafeed oo duqeyntaas ku dhintay.

"Qaraxyadu waxay ahaayeen kuwo culus, waxayna ahaayeen duqeyn diyaaradeed," ayuu yiri Cabdi Ugaas oo ka mid ah shacabka ku nool Kismaayo oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa BBC-da qaybta Soomaaliga u sheegay inay duqeymo culus tan iyo saakay ku dhacayeen daafaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo dilay xoolo nool oo u badan geel.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada oo ay Al-shabaab awood badan ku leedahay ayaa waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku socday duqeymo culus oo ay geysanayaan diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Kenya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Raaskambooni ayaa ku sugan deegaanno ku yaalla duleedka Kismaayo, waxayna sheegeen inay ku wajahan yihiin Kismaayo oo Al-shabaab ay sheegtay inay difaaci doonto.

Saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay inaysan jirin wax hub ah oo ka burburay, sidoo kalena aan khasaare la gaarsiin xoogaggooda ku sugan Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya