4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Ciidammo Ammaanka suga lagu daadiyay Degmooyinka Gobolka Banaadir
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda uu waqtigeedu dhammaadka yahay, C/samad Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay inay degmooyinka gobolka Banaadir dhigeen ciidammo suga ammaanka Muqdisho, kaddib dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacayay magaalada toddobaadyadii ugu dambeeyay.

C/samad Macallin ayaa sheegay in ciidamadan la dhigay baro muhiim ah, isagoo sheegay in cid walba oo ammaanka wax u dhimaysa la qaban doono, lana marsiin doono sharciga, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay adkeynta ammaanka Muqdisho.

"Ciidamadii goobaha qaar horay u joogay waa la kordhiyay, waxaa sidoo kale baro cusub la geeyay ciidammo isugu jira kuwo labisan iyo kuwo aan la bisnayn si loo sugo ammaanka caasimadda," ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay saxaafadda.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay socdaan qorshayaal lagu xasiliyo amniga guud ee caasimadda, wuxuuna xusay in ciidamada dowladda lagu arki doono goobo aan horay loogu arag.

Wasiirku wuxuu sheegay in go'aanno adag laga soo saaray rasaasta ay ciidamada dowladdu ka ridayaan magaalada dhexdeeda taasoo cabsi weyn ku beerta mararka qaarkood shacabka, isagoo xusay in askarigii shacabka dhexdiisa rasaas ku rida laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

"Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida go'aan ayay ka gaareen in xabad lagu rido magaalada dhexdeeda maalin cad, waa arrin aan sharciga waafaqsaneyn in ciidan  labisan ay rasaas ku dhex tuuraan shacabka dhexdiisa," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda waqtigeedu dhammaadka yahay.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay magaalada Muqdisho laga maqlay mar qura rasaas fara badan; taasoo ay ridayeen qaybaha kala duwan ciidamada, kadib markii la sheegay in Maxamed C/llaahi Farmaajo loo magacabay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, taasoo madaxtooyadu ay markiiba beenisay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya