3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2012
Nin lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ka tirsanaa oo Muddo ku xirnaa Jeelka Berbera oo maxkamadda Somaliland ay go'aan ka gaartay
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa nin hore loogu xukumay inuu kooxaha Al-shabaab ka tirsan oo qaraabadiisu racfaanka qaadatay ku xukuntay 14 bilood oo xadhig ah, kaas oo ka bilaabmaysa maalintii la xidhay.

Haseyeeshee, ninkan lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ka tirsan  oo sanad iyo dheeraad xidhnaa ayaa dib u helay xoriyadiisii ka dib, markii wakhtiga gaaban ee lagu xumay ay noqotay mid ka yar mudadii uu xabsiga ku jiray sidaasna  uu jeelkii kaga soo baxay.

Wiilkan dacwadiisa go’aanka laga gaadhay oo la yidhaa Ibraahim Maxamed Jeelle, oo ciidamada booliska Gobolka Saaxil sanadkii hore u qabteen tuhuno la xidhiidha inuu ka mid yahay kooxda Al-shabaab, isla-markaana ay sheegeen inuu tababaro ku soo qaatay Koonfurta Soomaaliya, ayaa muddo sanad iyo dheeraad ah dacwadiisu dhex wareegaysay maxkamadaha gobolka Saaxil, waxaana hore xukun saddex sanno ah ugu riday maxkamada gobolkaasi, balse waxa ku qanci waayey xukunkaasi ehelkiisa oo rafcaan ka qaatay, sidaas  awgeed ayey maxkamada sare dib u gashay dacwadan, taas oo keentay in ay go’aan ka gaadho.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo soo saaray go’aankan ayaa maxkamada kaga dhawaaqay in Ibraahim Maxamed Jeelle lagu xukumay 14 bilood oo ka bilaabmaysa wakhtigii la xidhay, taasi oo noqotay intii ay dacwadiisu socotay wakhti ka yar.

 “Maxkamadu waxay ku xukuntay racfaanle Ibraahim Maxamed Jeelle Ina Nuuriya Maxamed hal sanno iyo laba bilood oo xadhig ah, oo ka soo bilaabmaysa maalintii xoriyadiisa laga qaaday”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil oo booqasho ku tagay gobolka Saaxil.

Xukunka ku dhacay ninkan lagu eedeeyey Al-shabaabta, ayaa xoriyadiisa dib u hellay, isla-markaana laga siidaayo jeelkii lagu hayey, maadaama oo wakhtiga lagu xukumay ay ka badan tahay mudadii la hayey.

Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa wiilkan dhalinyarada ah hore ugu xukuntay saddex sanno oo xadhig ah, haseyeeshee markii maxkamadda sare baadhay kiiskiisa waxay ku xukuntay 14 billood oo xadhig, kadibna markii intii uu xidhnaa loo eegay ayey maxkamadda  sare  dib ugu soo celisay xoriyadiisii.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
9/25/2012 8:48 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay ha'yadaha gargaarka ee caalamka iyo kuwa Qaramada Midoobay inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay halkaas ugu caawiyaan dadka gargaarka u baahan.

9/25/2012 7:33 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo aan la garaneyn cidda iska leh ayaa maanta duqeymo xooggan ka geystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

9/25/2012 6:21 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa gaaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay horay saldhigyo ugu lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

9/25/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shir dib loogu eegayo mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose ee mudada Shanta Sanno ka socday degmooyinka Somaliland.

9/25/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxii wafaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa sheegay inay ka baxeen Xarakada Al-shabaab oo ay ku biireen sannadkii 2010, isagoo sheegay inay soo saareen lix qodob oo ay ku caddeynayaan go'aannadooda.

9/25/2012 3:18 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay hubka ka dhigtay askari ciidamadeeda ka tirsan oo si bareer ah u toogtay lix qof oo ahaa xoolo dhaqato Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Janaay-cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

9/25/2012 3:00 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iskahorimaad ciidammo dowladda kawada tirsan ku dhexmaray deegaanka Lafoole oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo dagaalkaas ay markii dambe ku biireen ciidammada AMISOM oo gubay mid ka mid ah gaari ay lahaayeen ciidamada dowladda.

9/25/2012 2:49 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayo safiirka dalka Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Geert Aagaard Andersen ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxayna madaxtooyada kula kulmeen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.