3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2012
Ciidamada AMISOM oo ka qayb-galay iska-horimaad dhexmaray ciidamada Dowladda Somalia oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iskahorimaad ciidammo dowladda kawada tirsan ku dhexmaray deegaanka Lafoole oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo dagaalkaas ay markii dambe ku biireen ciidammada AMISOM oo gubay mid ka mid ah gaari ay lahaayeen ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee dowladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada AMSIOM ay ka qaybgaleen dagaalka ayna gubeen mid ka mid ah gaadiidkii ay ciidamad Soomaalidu wateen.

"Dagaalku wuxuu ka dhacay Lafoole, wuxuuna u dhexeeyay ciidammo uu watay gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose iyo askar isbaaro ay halkaas u taallay, waxaana dhintay shan askari oo labada dhinac ah, afar kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray," ayuu guddoomiyuhu u sheegay saxaafadda.

Mar guddoomiyaha la weydiiyay sababta keentay inay ciidamada AMISOM dagaalka qayb uga noqdaan ayuu sheegay in loo sheegay warar aan sax ahayn oo sheegaya in gaari dagaal oo Al-shabaab ay leedahay uu jidka soo galay, taasoo keentay inay isticmaalaan hub culus.

"Runtii AMISOM waan gaarsiinnay sida ay wax u dhaceen, waxaana ka sugaynaa in ay baaritaanno ku sameeyaan," ayuu yiri guddoomiyhuh hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in dhaawacyadii askartii wax ku noqday dagaalka la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya uu dhexmaro dagaal, balse waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidammada AMISOM ay ka qaybgalaan dagaal u dhexeeya ciidamada Soomaaliya.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin dhacadan, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray dagaalkii ay markii dambe ku biireen oo shalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/25/2012 8:48 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay ha'yadaha gargaarka ee caalamka iyo kuwa Qaramada Midoobay inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay halkaas ugu caawiyaan dadka gargaarka u baahan.

9/25/2012 7:33 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo aan la garaneyn cidda iska leh ayaa maanta duqeymo xooggan ka geystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

9/25/2012 6:49 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa nin hore loogu xukumay inuu kooxaha Al-shabaab ka tirsan oo qaraabadiisu racfaanka qaadatay ku xukuntay 14 bilood oo xadhig ah, kaas oo ka bilaabmaysa maalintii la xidhay.

9/25/2012 6:21 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa gaaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay horay saldhigyo ugu lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

9/25/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shir dib loogu eegayo mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose ee mudada Shanta Sanno ka socday degmooyinka Somaliland.

9/25/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxii wafaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa sheegay inay ka baxeen Xarakada Al-shabaab oo ay ku biireen sannadkii 2010, isagoo sheegay inay soo saareen lix qodob oo ay ku caddeynayaan go'aannadooda.

9/25/2012 3:18 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay hubka ka dhigtay askari ciidamadeeda ka tirsan oo si bareer ah u toogtay lix qof oo ahaa xoolo dhaqato Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Janaay-cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

9/25/2012 2:49 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayo safiirka dalka Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Geert Aagaard Andersen ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxayna madaxtooyada kula kulmeen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.