9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2012
Safiirka Denmark ee Soomaaliya oo Booqasho ku tagay Magaalada Garoowe iyo arday deeqo waxbarasho loogu diray Itoobiya
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayo safiirka dalka Denmark u qaabilsan Soomaaliya, Geert Aagaard Andersen ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxayna madaxtooyada kula kulmeen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.

Kulankaas oo ahaa mid ay warbaahintu banaanka ka joogtey, ayaa sida ay ila wareedyo madaxtooyada ka agdhowi HOL u xaqiijiyeen, waxaa waxyaabihii la iskula soo qaaday ugu muhiimsanaa sidii ay dowladda Denmark, Puntland uga taageeri lahayd arimo ay kamid yihiin: tayeynta ciidamada, teyeynta garsoorka, la dagaalanka Burcad-badeeda iyo weliba kaabeyaasha dhaqaalaha.

Geert Aagaard Andersen iyo wefdigiisu waxay sidoo kale inta ay Garoowe joogaan kormeer ku sameyn doonaan mashaariic dhowr ah oo laga fuliyey Puntland, islamarkaana ay dowladda Denmark fankooda ku deeqday, kuwaas oo intooda badanna laga hirgeliyey xeryaha ay dadka barakacayaasha ahi ku jiraan.

Dhinaca kale; waxaa magaalada Garoowe ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu sagootinayey 60 arday oo deeqo waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Xafladdan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada, waxaa kasoo qayb galay madax ay kamid yihiin wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirka arimaha gudaha Cabdilaahi Jaamac Ilka-jiir.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa mahad balaaran usoo jeediyey dowladda Itoobiya, isagoo tilmaamay in aysan ahayn markii ugu horeysey oo arday kasoo baxay dugsiyada sare ee Puntland ay dalkaas deeqo waxbarasho ka helaan.

Cabdilaahi Jaamac Ilka-jiir, wasiirka arimaha gudaha ayaa isna ardayda siiyey dardaaran xoogan oo ku aadan sidii ay uga faa'iideysan lahaayeen fursadda ay heleen oo uu sheegay in ay tahay mid aan la dayici karin, wuxuuna ku booriyey in ay dadaalka badiyaan maadaama ay dalka iyo dadkaba wax usoo baranayaan.

Booqashada safiirka Denmark ee Soomaaliya uu magaalada Garoowe ku yimid ayaa imaanaysa maalin kadib markii uu isna soo gaarey ergeyga cusub ee midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michal Cervoni.

Maxamad Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Punland, Soomaliya












Click here
9/25/2012 8:48 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay ha'yadaha gargaarka ee caalamka iyo kuwa Qaramada Midoobay inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay halkaas ugu caawiyaan dadka gargaarka u baahan.

9/25/2012 7:33 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo aan la garaneyn cidda iska leh ayaa maanta duqeymo xooggan ka geystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

9/25/2012 6:49 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa nin hore loogu xukumay inuu kooxaha Al-shabaab ka tirsan oo qaraabadiisu racfaanka qaadatay ku xukuntay 14 bilood oo xadhig ah, kaas oo ka bilaabmaysa maalintii la xidhay.

9/25/2012 6:21 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa gaaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay horay saldhigyo ugu lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

9/25/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shir dib loogu eegayo mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose ee mudada Shanta Sanno ka socday degmooyinka Somaliland.

9/25/2012 4:07 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxii wafaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa sheegay inay ka baxeen Xarakada Al-shabaab oo ay ku biireen sannadkii 2010, isagoo sheegay inay soo saareen lix qodob oo ay ku caddeynayaan go'aannadooda.

9/25/2012 3:18 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay hubka ka dhigtay askari ciidamadeeda ka tirsan oo si bareer ah u toogtay lix qof oo ahaa xoolo dhaqato Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Janaay-cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

9/25/2012 3:00 AM EST
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iskahorimaad ciidammo dowladda kawada tirsan ku dhexmaray deegaanka Lafoole oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo dagaalkaas ay markii dambe ku biireen ciidammada AMISOM oo gubay mid ka mid ah gaari ay lahaayeen ciidamada dowladda.