4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Qarax khasaare u geystay Ciidamada Kenya iyo dad shacab ah oo ka dhacay Degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Todobo qof oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada Kenya ee loo yaqaan GSU (General Service Unit) ayaa ku dhawacantay laba qarax oo ka dhacay magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Qaraxyadan oo ahaa laba qarax ayaa waxa kii ugu horeeyay lala eegtay gaari lorry ah oo ay wateen saraakiisha xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee isbitalka guud ee magaalada Garissa.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay isla goobta wax yar un kadib marki goobta shilka ka dhacay ay gaaren saraakiil iyo ciidamo katirsan kuwa booliska, waxaana labada qarax ay sababeen dhaawac sedex qof oo rayid ah iyo afar sarkaal oo katirsan ciidamada Kenya.

Halka uu qarax ka dhacay ayaa ahayd afaafka hore ee isbitalka Garissa wadada loo yaqaan "Kismayo Road", waxaana saraakiisha booliska Gaarisa ay qaraxaasi ku eedeeyeen Al-shabaab.

Taliyaha booliska Garissa Philip Tuimur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay qaraxa, wuxuuna xusay in ilaa iyo haddan aysan jirin cid loo qabtay qaraxyadaasi.

"Waxaan ku mashquulsannayn baaritaanka qaraxa koobaad marka uu dhacayay kan labaad, nasiib ayaan leenahay hadii aan ka badbaadnay," sidaa waxa yiri taliyaha booliska oo warbaahinta la hadlayay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli booliska Kenya ay dhawaan gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha qarxa oo ay wateen rag la sheegay in ay katirsanaayeen Al-shabaab oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya