3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Qaraxyadii Muqdisho aysan dowladda ka leexinayn hadafkeeda Siyaasadeed
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad shaaha lagu cabo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah oo lagu dilay dad aan waxba galabsan.

Shir jaraa'id oo uu madaxweynuhu ku qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in qaraxyadaas aysan ka leexin doonin dowladda hadafka ay ku doonayso inay dalka ku gaarsiiso nabad iyo horumar.

"In dad shaah cabaya oo sheekeysanaya la dilo waa arrin aad looga naxo oo dambi weyn ah, waxaana shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii weerarkaas ku dhintay," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: "Qaraxyadan maahan kuwo ka hor-joogsan kara ummaddan inay nabad hesho, dadka la dilayo ama la dhaawacayana waa kuwo aan waxba galabsan,"

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dadkii ku dhaawacmay uu u rajeynayo caafimaad deg-deg ah, intii ku dhimatayna Janno, isagoo sheegay in ficilladan oo kale aysan dowladda ka leexin doonin hadfkeedii ahaa inay dalkan ku hoggaamiso nabad iyo dowladnimo.

"Waxaan u arkaa ragga qaraxyadaas sameynaya kuwo uu ka dhammaaday macaamil kasta oo wanaagsan. Siyaasadda dalkana waxba kama bedelayaan qaraxyadan, balse iyaga uun baa ku dhammaanaya dad shacab ahna way dhammeynayaan," ayuu yiri madaxweynuhu.

Ma jirto cid uu si gaar ah ugu eedeeyay weerarkan, iyadoo weerarkan ay geysteen rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kuwaasoo aan weli la ogaan cid ay ka tirsan yihiin in hadafkii ay ka lahaayeen weerarkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/21/2012 8:50 AM EST
Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa toogtay wariye Xassan Yuusuf Absuge oo kamid ahaa warfidiyeenka ka hawlgala magaalada Muqdisho.

9/21/2012 6:16 AM EST
Jimco, September 21, 2012(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee xuquuqda aadanaha ayaa cambaareyn kulul dusha uga tuurtay ciddii ka dambeysay qaraxii lagu halaagmay ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta oo la soo gaariiyay HOL uu u qornaa sidan:

9/21/2012 4:46 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Warieyaashii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, iyadoo tani ay ka dhigayso tirada wariyeyaasha lagu dilay sannadkan Soomaaliya 12-wariye oo intooda badan ku dhintay Muqdisho.

9/21/2012 4:24 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ka socda Jubbooyinka, kuwaasoo lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

9/21/2012 4:13 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa aad u sii kordhay, iyadoo tiradu ay haadda marayso 22-qof oo shacab u badnaa, iyadoo aysan weli ka hadlin weerarkan Xarakada Al-shabaab oo ay dowladdu ku eedeysay.

9/21/2012 4:12 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Alle ha u naxariistee fannaankii weynaa ee Faysal Cumar Mushteek ayaa xalay goor dambe ku geeriyooday jidka isku xidha Magaalada Hargeysa iyo Berbera dhexdoodda oo la doonayey in dhakhtar dibadeed loo diro.