4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka Warbixiyay dagaal khasaare sababtay oo Degmada Baladweyne ku dhexmaray Ciidamada Maamulka
Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Kaddib is-rasaaseyn  khasaare sababtay oo xalay fiidkii ku dhaxmartay xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Baladweyne ciidamo ka wada tirsan maamulka gobollka Hiiraan, ayaa waxaa arintaa ka warbixiyay mas’uuliyiin ka tirsan  maamulka gobolka.

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay HOL ayaa sheegay in is-rasaaseynta dhaxmartay labada dhinac aheyd mid si qalad ah ku dhacday, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamo howlgal ku wada jiray.

"Is-rasaaseyntaasi waxaa ay ku dhacday si qalad ah, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamada maamulka gobollka oo waqtigaa  howlgal ku jiray, mid ka mid ah ciidamada waa uu dhintay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray,’’ ayuu yiri Maxamed Nuur Caga-joof.

Afhayeenka gobollka ayaa intaa ku darray in markii danbe ciidamadu is garteen, taasoo keentay in rasaastu joogsato, isaga oo sheegay in xaalada caadi ku soo noqotay ciidamadana halkooda sii wateen howlgalka lagu sugayay amniga.

Rasaasta xalay laga maqlay xaafadda Buundo-weyn oo qadar kooban soctay, ayaa qal qal iyo cabsi ku abuurtay dadka ku dhaqan xaafadda walow saakay xaaladu tahay mid degan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya