4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweeyey madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, ilaahayna u baryey inuu xilka u fududeeyo

Talaado, September , 11, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu sidoo kale hambalyo klae u diray madaxweynihii tartanka lagaga guulaystay ee Sheekh Shariif Sh. Axmed oo Aqlabay natiijaddii doorashadda ka soo baxday.

 

“Aniga oo ku hadlaya magaca qaranka Somaliland, waxaan doonayaa in aan halkan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee xalay baarlamaanka dalka Soomaaliya ay ku doorteen Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta Sanno ee soo socda”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

 

 “Waxa kaloo oo aan hambalyaynayaa Madxweynihii hore ee Ku meel-gaadhka  ahaa Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo aqbalay natiijadii ka soo baxday Doorashadaasi”ayuu raaciyey madaxweynuhu.

 

Madaxweyne Axmed Siillaanyo waxa uu sheegay in Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ay muddo dheer ka damqanayeen dhibaatadii ma-hadhiwaaga ahayd ee haysatay dalka iyo dadka soomaaliya.

 

“Doorashadan  haatan waxaanu, qaran ahaan u aragnaa in ay tahay fursad ay ka abuurmi karto deganaansho iyo nidaam maamul dawladeed oo dalkaasi gaadhsiin kara doorasho dadweynaha dalkaasi ay si toos ah u soo doortaan madaxweynahooda sida Somaliland ay ku dhaqanto oo kale”ayaa war-saxaafadeedka lagu xusay.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in  Dawlada iyo Shacbiga Somaliland u rajaynayaan in illaahay xilka u fudaydiyo, isla markaana ay noqdaan laba dawladood oo ka wada shaqeeya maslaxada, iyo Nabadgelyada Mandaqada aynu ku nool nahay.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland