4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Soomaalida ku Nool Magaalada Nairobi oo si diiran usoo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (DAAWO VIDEO)

Talaado, September 11, 2012(HOL): Shacabka ku dhaqan xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh ayaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweeynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud.

 

Dadkan ayaa sheegay in madaxweeynahani cusub uu yahay nin aqoonyahan ah islamarkaasina waxweyn ka badali kara marxaladda uu haatan ku suganyahay dalka, iyagoo sidoo kalena rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya.

 

"Doorashada xalay dhacday ee baarlmanka Soomaaliyeed uu ku doortay Xasan Sheekh Max'uud si xalaal ah ayay u dhacday, hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi aad ayaan usoo dhaweyneynaa," sida waxa jiri Salaad Sheekh Max'ed oo kamid ah ganacsatada xaafadda Eastleigh.

 

Sidoo kale dadweeynihii aynu la dhexmarnay mikrafoonka ayaa muujinayay sida ay ugu faraxasanyihiin madaxweeynaha cusub ee Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya, waxa ayna dhamaantoodba rajo wanaagsan ka muujinayeen xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba in dalku ka gudbay marxaladii adkayd ee laga dhaxlay dagaalladii sokeeye iyo weliba maamul xumida.

 

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa si wadajir ah waxa ay usoo dhaweeyeen doorashadii madaxtinimo ee uu ku guuleeystay Prof. Xasan Sheekh Max'uud oo isagu wareegii ugu danbeeyay ee codeynta doorashada uga guuleeystay Madaxweeynihii hore ee dowladda KMG Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Hadaba hoos ka daawo qaar kamid dadka ku dhaqan Magaalada Nairobi oo fikirkooda ka dhiibanaya sida ay u arkaan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya