4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab oo ka Qarxay Gobolka Jubbada Hoose
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goordhow ka qarxay deegaan lagu magacaabo harboole oo hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

Dagaalkan oo ah mid culus ayaa qarxay kadib markii ciidamada isbaheysiga ah ay weerar ku qaadeen saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab, waxaana lagu soo waramayaa in uu halkaasi ka socdo dagaal xooggan oo labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan deegaanada ku dhow dhow halka uu dagaalka ka qarxay ayaa HOL u sheegay in dagaalkani uu ka duwanyahay kuwii hore islamarkaasina uu yahay dagaal culus oo ay qeyb ka yihiin diyaaradaha dagaalka Kenya.

Ma cada khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana inoo suurogeliweysay in aan faahfaahin ka helmo masuuliyiin katirsan dhinacyada dagaalamaya oo aan xiriir la sameynay.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyay ay xaalad deganaan ah ka jirtay deegaanada ku yaal duleedka Afmadow ee ay isku horfadhiyeen ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya