4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Xildhibaannadii horay loogu diiday inay Baarlamaanka ka mid noqdaan oo Maanta la dhaariyay si ay doorashada uga Qaybgalaan
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Xildhibaannadii horay loogu diiday inay ka mid noqon doonaan baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya ayaa la dhaariyay maanta si ay uga qaybgalaan doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Mudanayaashan oo tiradoodu ahayd 20 xubnood ayaa waxaa go'aan kasoo gaaray guddi loo saaray arrintooda, iyadoo intii aan la dhaarin ka hor cod kalsoonida looga qaaday xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu ahayd 242-mudane.

Codeyntii loo qaaday mudanayaashan ayaa waxaa ogolaatay 98 xildhibaan, waxaa diidday 85-mudane, sagaal mudane ayaa ka aamusay 50 xildhibaanna ma codeyn, iyadoo markaas kaddib uu guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay inay yihiin ansax lana dhaarinayo.

Xildhibaannada la dhaariyay ayaa waxaa ka mid ahaa: Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish), Maxamed Qanyare Afrax, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Madoobe, Maxamed Xuseen Afaraale, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi iyo xubno kale.

Xaruunta baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan markii guddoonka uu ku dhawaaqay in la dhaarinayo xildhibaannadii ay maxkamadda sare xukuntay inay ka mid noqdaan baarlamaanka, balse dadaallo badan kaddib waxaa la gaaray xal.

Mudanayaashan ayaa waxay tirada xidlhibaannada baarlamaanka ee dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ka dhigayaan 262 xildhibaan, iyadoo lagu wado in isla maanta ay doorashadu soo gabgabowdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya