4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Xisbiga UDUB oo Qaadacday ka qayb-galka Doorashada golaha Deegaanka, sheegayna inay Maxkamada dacwad u gudbinayaan
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Musharaxa xisbiga madaxweyne ee xisbiga UDUB, ayaa sheegay inay ka qaybgali doonin doorashooyinka golaha deegaanka, isla markaana xusay inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad ka dhan ah guddidda Diiwaangelinta ururadda.

"Bulshada Somaliland waxaan u soo bandhigayaa talaabooyinka waxashnimada ah ee lagula kacay xisbiga Udub iyo taageerayaashiisa si looga reebo doorashooyinka,iyada oo si badheedh ah oo loogu tala galay loo baahiyey arimo lidi ku ah guusha uu doonayo  in xisbiga Udub ka soo hooyo doorashooyinka fooda inagu soo haya oo xisbigu filayo inuu si xoog ah ugu guulaysan doono”ayuu yidhi Musharaxa xisbiga UDUB ee madaxweynenimadda Cali Maxamed Warancadde.

"Waxaase ayaan daro ah in maanta xisbiga Udub lagu qaado dagaal waxashnimo ah oo la doonayo in xisbigii dalkan hooyada u ahaa lagu burburiyo,lagagana reebo doorashooyinka soo socda, iyada oo loo sii gogol xaadhayo, kuwo ka liita xisbiga Udub oo aan la garanayn halka ay dalka gaadhsiin doonaan,maadaama nidaamkii xisbiyada badani isku bedelay nidaamka ururada qabyaalada badan”ayuu raaciyey hadalkiisa

Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in bulshadda somaliland iyo caalamkaba u cadaynayo inuu qaadacay doorashooyinka, magdhowna laga bixiyo wixii soo gaadhay habsami u socodka hawlihii xisbiga ee u diyaargarowga doorashooyinka.

"Waxaanu bulshada Somaliland iyo bulshada caalamka ee ku hawlan arimaha doorashooyinka dalka u sheegaynaa inaanu qaadacnay doorashada, ilaa inta laga helayo guddiyo lagu aamini karo garsoorka axsaabta kuna sifaysan dhexdhexaad, magdhawna laga bixinayo wixiii daano ah ee gaadhay habsami u socodka hawlihii xisbiga ee dhinaca u diyaar garawga doorashooyinka deegaanka,  anaga oo dacwad ka dhan ah guddiga diiwaan gelinta u gudbin doona maxkamada sare ee Somaliland”:ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga UDUB ayaa sideed sanadood dalka xukumayey, kuwaas oo si wanaagsan xilka u wareejiyey ka dib markii doorashadii 2010 lagaga adkaaday, haseyeeshee xisbigan ayaa khilaaf xoogani hadheeyey, waxaana khilaafkaasi ka faa’iidaystay ururadda siyaasadda kuwaas oo badi musharaxiintii golaha deegaanka ee magaalooyinka soo buuxiyey, iyagoo inta badan dadkii hami siyaasadeed ku jiray iska soo wada sharaxeen ururadda iyo xisbiyadda kale, taasina ay keentay inay wakhti dambe udub bilowday  wakhtiguna cidhiidhi ku noqday maadama oo afar cisho ka hadhsan tahay mudadii la xidhayey liiska musharaxiinta taasina u muuqato in aanay ka gaadhsiin Karin dhamaystirka liiska musharaxiinta ee laga rabo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland