4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Murashaxiin ka Tanaasulay ka Qaybgalka Doorashada Madaxweynenimo ee Somalia intii aysan doorashadu billaaban
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka mid ahaa kuwii u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay tanaasuleen, iyagoo aan sheegin sababaha ku kallifay inay tanaasul sameeyaan.

Iyadoo uu horay u tanaasulay C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxaa ku biiray, Xuseen Khaliif Jaamac iyo Bashiir Nuur Xasan (Bidaar) iyadoo ay isku soo hareen 22 murashax oo tartan adag uu dhexmari doono.

"Waxaa warqado ay ku tanaasulaan inoo soo gudbiyay laba murashax, mid kalena horay ayuu u tanaasulay, waxaana leennahay saddexdooda meel kale guul Allaha idinka siiyo," ayay tiri guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Somalia, xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim.

Mudanayaasha isku soo haray ayaa waxay kala yihiin:
  1. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow)
  2. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
  3. Cabdiweli Cilmi Cumar (Goon-jeex)
  4. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)
  5. Cabdulqaadir Cosoble Cali
  6. Cabdullaahi Axmed Caddoow
  7. Axmed Ismaaciil Samatar
  8. Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil
  9. Xasan Sheekh Maxamuud
  10. Ibraahim Cali Xuseen
  11. Maslax Maxamed Siyaad Barre
  12. Maxamed C/weli Sheekh Yuusuf Direed
  13. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)
  14. Maxamed Cabdullaahi Oomaar
  15. Maxamed Axmed Saalax
  16. Cumar Salaad Cilmi
  17. Cusmaan Maxamed Gacal
  18. Siciid Ciise Maxamuud
  19. Salaad Cali Jeelle
  20. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  21. Yuusuf Garaad Cumar Axmed
  22. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Xildhibaannada u codeynaya murashaxiinta madaxweyne oo tiradoodu marba marka ka dambeysa sii kordhayso ayaa waxay hadda maraysaa 242 mudane, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 20 xildhibaan oo go'aan ay kasoo gaareen guddi loo saaray inay kasoo tala-bixiyaan.

Doorashada oo saddex wareeg ah ayaa waxay qaadan doonaa saacado badan, iyadoo isla maanta lagu dhawaaqi doono natiijada doorashada iyo madaxweynaha sida rasmiga ah ugu guuleysatay xilka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya