4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Shacabka Soomaaliyeed oo Doorashada Maanta dhacaysa ku tilmaamay mid Taariikhi ah Rajo wanaagsanna muujiyay
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada maanta Muqdisho ka dhacaysa ee lagu soo dooranayo madaxweynaha hoggaamin doona dalka muddo dheer kaddib.


Doorashadan oo mid ay beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed indhaha ku hayaan ayaa waxay ka dhacaysaa goob ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya, waxaana baarlamaanka dooranaya madaxweyaha lagu sheegay inuu yahay kii ugu aqoonta badnaa ee Soomaaliya soo mara 21-kii ee colaaduhu ay jireen.

"Waxaa maanta dhacaya wax aan dhammaanteen sugaynay, waxaan rajeynaynaa in doorashadan ay noqoto mid lagu guuleysto," ayay yiraahdeen Soomaali ku nool dalka dibaddiisa oo intaas ku daray: "Rabbiga awoodda leh waxaan weydiisanaynaa inuu murashaxiinta kasoo dhex saaro hoggaamiye daacad ah."

Soomaalida dibadaha ku nool ayaa waxay rajo weyn ka qabaan inay dalka dib ugu soo laabtaan haddii doorashadan lagu guuleysato, iyadoo doorashadan ay Somalia uga baxayso xilliga KMG ah oo sannadihii ugu dambeeyay ay dowladuhu ku shaqeynayeen.

"Inkastoo bulshada aysan waxba dooranayn, haddana waxaan xildhibaannada ka codsanaynaa inay soo doortaan hoggaamiye dalka wax ka qaban kara dadkana wax u qaban kara," ayay yiraahdeen dhallinyaro ku nool Muqdisho, kuwaasoo ka baxay jaamadaha dalka ; basle aan wax shaqooyin ah helin.

Magaalada Muqdisho ayaa jawi ahaan si aad ah uga bedelen sidii ay ahaan jirtay, waxaana magaalada ka muuqda firaaqo weyn, iyadoo dadku ay ku sugan yihiin guryahooda iyo goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadeen halkaasoo laga socdo doorashada.

"Tani (doorashada) waa mid taariikhi ah; waayo qof walba oo Soomaali ah wxuuu dareemayaa jawi aan kii hore ahayn. Dadku waxay u muuqdaan kuwo ilbaxnimo ahaan koray, dalkuna wuxuu u muuqdaa mid kasoo daalay dagaallo iyo rabshado aan macno badan lahayn," ayay tiri Raxmo Cali oo ka mid ah ardayda wax ka bartay jaamacadaha Muqdisho.

Doorashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo Muqdisho ka dhacda wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo la doortay sannadkii 1967-kii, inkastoo la dilay 1969-kii markaasoo ay xukunka dalka si awood ah kula wareegeen milateriga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya