Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Taliyaha hay'adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Axmed Ereg ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho ay adkeeyeen kadidb markii ay howlgallo isdaba-joog ah ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.
Col. Ereg oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in afar ruux oo ka tirsan Al-shabaab ay qabteen xalay iyagoo dagaalamaya, isagoo sheegay in la marsiin doono sharciga, wuxuuna hadalkiisa raaciyay in ammaanka Muqdisho la isku halleyn karo xilligan.
"Ammaanka Muqdisho waa mid la isku halleyn karo xilligan, waayo howlo badan ayay ciidamadu sameeyeen kuwaasoo lagu soo qabqabtay xubno badan oo Al-shabaab ka tirsan," ayuu Col. Ereg oo sheegay in xubnahaas lasoo taagi doono maxkamad.
Taliyuhu wuxuu soo bandhigay afar wiil oo dhalinyaro ah kuwaasoo uu sheegay in lagu soo qabtay xalay howgal ay ciidamadu sameeyeen, isagoo xusay in la qabtay iyagoo dagaalamaya ayna caddaan tahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Hadalka Col. Ereg ayaa imaanaya iyadoo bishii hore ay qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhaceen Muqdisho, kuwaasoo ay naftooda ku waayeen in ku dhow 50-qof oo ay ku jireen suxufiyiin ka howgalayay warbaahinta Muqdisho qaarkeed.
Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa midkooda lagu weeraray hoteel uu deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ay ku dhinteen sagaal qof oo ay ku jireen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo sheegtay in hadda la isku halleyn karo Ammaanka Magaalada Muqdisho
More News
- Abwaan Gaariye oo xalay ku geeriyooday Norway iyo doorkiisii wacyigelineed ee uu ummadda ku lahaa
- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo gudaha u galay Magaalada Kismaayo
- Kooxo hubeysan oo Nabadoon Caan ah ku toogtay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya oo aan weli gudaha u gelin Kismaayo iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo hakad ku jira
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay Sababihii ay Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM uga baxeen Baladweyne
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Qodobka ugu horreeya ee uu Baarlamaanku ka doodayo uu yahay Dastuurka
- Askar ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya oo xalay lagu toogtay Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya
- Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay