4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2012
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo gudaha u galay Magaalada Kismaayo
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ayaa goordhawayd gudaha u galay magaalada Kismaayo iyadoona ay ciidamadu magaalada kasoo galeen dhowr jiho.

Ciidamadan oo aan wadan wax gaadiid ah ayaa magaalada kusoo galay lug waxaana ay kasoo galeen jihooyinka waqooyi iyo Galbeed sida dhanka Madaxtooyada, dhinaca Xaafadda Siinaay iyo weliba xaafadda V-Afmadow.

“Ciidamadu dhulka ayay ku socdeen waxayna magaalada kasoo galeen sedex wado, dhanka V-afmadow, Dhanka Madaxtooyada iyo Siinaay,” sidaa waxa yiri C/xakiin C/laahi oo kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamadan soo galay magaalada ayaa waxa dhanka hawada ka wehlinayay diyaarado nooca Helicopters-ka loo yaqaan, waxaana jawiga magaalada uu yahay mid aad u kacsan.

Xoogagga Al-shabaab ayaa ka baxay magaalada Kismaayo 28-Bishii lasoo dhaafay ee September kadib markii uu culeys kaga yimid dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee isgarabsanaya.

Magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubada hoose ayaa ah magaalo uu aad u sareeyo ganasigeeda iyadoona ay magaaladu leedahay marsad caalami ah taasoo shixnadaha kasoo daga loo iibgeeyo gobollada Jubooyinka, Gedo iyo weliba gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Dad badan ayaa walaac ka muujinaya waxa xigi doona qabsashada magaalada Kismaayo, maadaama ay gobolka ka jiraan maamul goboleedyo badan kuwaasoo ay soo dhisteen qaar katirsan beelaha dega Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya