Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa maalintii sedexaad ku sugan daafaha magaalada Kismaayo, iyadoona ay arintaasi keentay in dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran uu hakad galo.
Ciidamada huwanta ah ayaa dhanka waqooyi ee magaalada Kismaayo uga sugan nawaaxiga Madaxtooyada, halka dhanka galbeedkana ciidamadii joogay Birta dheer ay soo gaareen tuulo loo yaqaan Buulo Fatuuro oo ku taal afaafka hore ee laga soo galo magaalada, waxaana labada ciidan ay goobahaasi ka sameysteen dhufeesyo.
Xaaladda Kismaayo ayaa weli laga dareemayaa jawi kacsanaan ah, waxaana xiran iskuulaadkii magaalada iyo qaar kamid ah goobaha ganacsi, waxaana dadku ay yihiin kuwo dareen ku joog ah islamarkaasina isweeydinaya “ciidamadii halkay soo marayaan, iyo maxaa la sheegay”.
Ma jirto cid maanta lagu dilay gudaha magaalada, haseyeeshee magaalada ayaa weli maamul la'aan ah waxaana dadku guryahooda ku xaroodaan saaalada maqrib marka la tukado iyagoo ka cabsi qaba in ay saameeyaan falalka amni darro ee magaalada ka dhaca.
“Magaalada weli way qasantahay, qudaartii ka iman jirtay deegaanada Gosha way istaagtay, iskuulaadkii magaaladana weli way xiranyihiin,” sidaa waxa yiri Axmed C/laahi Faarax oo kamid ah dadka reer Kismaayo.
Saraakiisha dowladda KMG ayaa hore shaaca uga qaaday in aysan ku degdegi doonin gelitaanka magaalada Kismaayo, waxaana ay ciidamadu weli ku suganyihiin daafaha magaalada, mana la garanayo xilliga ay geli doonaan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya oo aan weli gudaha u gelin Kismaayo iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo hakad ku jira
More News
- Abwaan Gaariye oo xalay ku geeriyooday Norway iyo doorkiisii wacyigelineed ee uu ummadda ku lahaa
- Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo sheegtay in hadda la isku halleyn karo Ammaanka Magaalada Muqdisho
- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo gudaha u galay Magaalada Kismaayo
- Kooxo hubeysan oo Nabadoon Caan ah ku toogtay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay Sababihii ay Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM uga baxeen Baladweyne
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Qodobka ugu horreeya ee uu Baarlamaanku ka doodayo uu yahay Dastuurka
- Askar ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya oo xalay lagu toogtay Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya
- Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay