3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Qodobka ugu horreeya ee uu Baarlamaanku ka doodayo uu yahay Dastuurka
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) —  Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari" ayaa sheegay in ajnadaha ugu horreeya ee baarlamaanku uu ka doodi doono uu yahay dastuurka cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay dib u eegis ay ku sameyn doonaan qodobbada dastuurka oo dhan.

Prof. Jawaari wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay ku qaban doono howlaha horyaalla afarta sano ee soo socota, kuwaasoo ay ka mid yihiin in dalka ay gaarsiiso heer ay dadku soo doortaan hoggaankooda iyo in dastuurka lagu ansixinyo afti dadweyne.

“Ajandahha ugu horreeya ee baarlamanku uu ka doodi doono dastuurka oo dib u eegis lagu sameynayo, maadaama arrintan loo idmaday baarlamaanka, howshaasna waxaan qaban-doonnaa markaaan dhisno guddi hoosaadeyada baarlamanka," ayuu yiri Prof. Jawaari ka sheegay kulan su'aalo lagu weydiinayay oo uu qabtay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu ka mid ahaa guddigii dastuurka ee laga booday markii ay soo diyaariyeen dastuurka dalka, iyadoo aan la ogeyn inuu ugu in kulanka ugu horreeya ee baarlmaanka looga doodo ku gacan-sayridii horay loogu sameeyay iyo in kale.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay inaysan wax baqdin ah gelinayn dilkii Muqdisho loogu geystay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo hanjabaadaha loo jeedinayo.

"Waxay doonayaan in la baqo, balse innagu ma baqayno, haddii 275-ta xildhibaan la dilo, tiro intaas oo kale ah ayaa la keenayaa howlaha baarlamaankuna ma baaqan doonaan," ayuu yiri Prof. Jawaari.

Hadalka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa xilli lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo ra'iisul waasaraha cusub ee dalka iyo iyadoo ay socdaan howlo lagu soo dhisayo guddi hoosaadyada baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/1/2012 10:31 AM EST
Isniin, October, 01, 2012 (HOL)- Alla ha u naxariistee waxa xalay dalka Norway ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa Maxamed Xaashi Dhaamac Gaariye oo billihii u dambeeyey ku xanuunsanayey dalkaasi.

10/1/2012 9:51 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Taliyaha hay'adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Axmed Ereg ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho ay adkeeyeen kadidb markii ay howlgallo isdaba-joog ah ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

10/1/2012 8:31 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ayaa goordhawayd gudaha u galay magaalada Kismaayo iyadoona ay ciidamadu magaalada kasoo galeen dhowr jiho.

10/1/2012 8:21 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor-dhaw ku toogtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan nabadoon caan ka ahaa Baladweyne.

10/1/2012 6:53 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa maalintii sedexaad ku sugan daafaha magaalada Kismaayo, iyadoona ay arintaasi keentay in dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran uu hakad galo.

10/1/2012 6:49 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kaddib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ka baxeen saldhigyadii ay ka daganaayeen magaalada Baladweyne, waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

10/1/2012 3:36 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Gaarisa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya, iyagoo ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobta markii ay dilka askarta fuliyeen.

10/1/2012 3:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xildhibaanno ah ayaa u dhoofay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo ay maanta kulammo kula yeelanayana maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.