Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xildhibaanno iyo wasiirro isugu jira ayaa u dhoofay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo ay maanta kulammo kula yeelanayana maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.
Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo madxweynaha Soomaaliya uu ku tago deegaan ka mid ah Soomaaliya, waxaana isaga iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka qaadday diyaarad qaas ah taasoo geystay Baydhabo, isagoo isla maanta kusoo laabanaya Muqdisho.
Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo lagu waday inuu madaxweynaha u raaco Baydhabo ayaa ka baaqday, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inuu baaqdo, waxaana socdaalkan uu kusoo beegmayaa xilli madaxweyanha laga sugayay maanta inuu magacaabo ra'iisul wasaare soo dhisa xukuumad.
Madaxweynuhu kama uu san hadlin sababaha keenay in xilligan uu booqasho ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo aysan jirin wax hadda ka jira degmada Baydhabo oo sababi kara in madaxweynaha Somaaliya uuu buuqasho ku tago.
Magaalada Baydhabo oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay kala wareegeen bishii Feberaayo ee sannadkan Xarakada Al-shabaab ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu booqdo madaxweyne Soomaaliyeed.
Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu ka socdo diyaargarow lagu soo dhaweynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyadoo heegan la geliyay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
More News
- Abwaan Gaariye oo xalay ku geeriyooday Norway iyo doorkiisii wacyigelineed ee uu ummadda ku lahaa
- Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo sheegtay in hadda la isku halleyn karo Ammaanka Magaalada Muqdisho
- Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo gudaha u galay Magaalada Kismaayo
- Kooxo hubeysan oo Nabadoon Caan ah ku toogtay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya oo aan weli gudaha u gelin Kismaayo iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo hakad ku jira
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay Sababihii ay Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM uga baxeen Baladweyne
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Qodobka ugu horreeya ee uu Baarlamaanku ka doodayo uu yahay Dastuurka
- Askar ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya oo xalay lagu toogtay Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya