4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo maanta soo kormeeray dekedda magaalada Boosaaso [Sawirro]

Jimco, November 30, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta soo kormeeray dekedda magaalada Boosaaso isaga oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirada.

Wuxuuna u kuurgalay habsami usocodka guud ee shaqada dekedda oo bilihiii u danbeeyey dayactir lagu wadey. Mas'uuliyiin ay kamid yihiin wasiiirka dekedaha, wasiirka kaluumaysiga iyo wasiirka maaliyadda ayaa madaxweynaha la socdey.

Dhismeyaasha wasaaradaha ee ku yaalla dekedda ayey madaxweynaha iyo wefdigiisu qaybqayb u galeen, iyagoo sidoo kale ku dhex lugeeyey dekedda lana kulmay saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha kale ee ka howl gala.

 

Madaxweynaha oo intaas kadib si kooban warbaahinta ugula hadlay gudaha dekedda, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in xil weyn la iska saaro dayactirka iyo casriyeynta dekedda, si shaqadeeda loo dardar geliyo; maadaama ay ganacsiga Puntland iyo guud ahaan dalkaba hal-bowle u tahay.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage oo isagu madaxweynaha sharaxaad ka siiyey howlaha dekedda iyo waxyaabihii ugu danbeeyey ee lagu soo siyaadiyey, ayaa sheegay in wasaaradda dekeduhu ay dadaal dheer ku bixisey sidii shaqada dekedda looga dhigi lahaa mid fudud oo casri.

Si kastaba ha ahaatee kormeerka uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole maanta ku sameeyey magaalada Boosaaso ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado intii lagu guda jirey sanadkan sii dhamaanaya ee 2012.

Bishii December ee sanadkii hore 2011 ayeyna ahayd markii ugu danbeysey ee uu madaxweynuhu dekedda kormeer ku sameeyo, xilligaas oo uu weheliyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka ah Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya