4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Dowladda Falastiin oo loo ogolaaday in ay kor-jooge ka noqoto Qaramada Midoobay

Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in sare loo qaado maqaamka ay dowladda Falastiin ku leedahay Qaramada Midoobay islamarkaasina laga dhigo xubin katirsan kor-joogeyaasha Qaramada Midoobay.

138 dowladood ayaa u codeeysay in Falastiin ay kamid noqoto, waxaa kasoo horjeesatay 9 dowladood halka ay ka aamuseen 41 kale.

Madaxweeynaha dowladda Falastiin Max’uud Cabbaas oo qudbad ka jeediyay fadhiga golaha ayaa sheegay in qaraarkani uu yahay fursaddii ugu danbeeysay ee lagu badbaadin lahaa xal ay gaaraan dowladaha falastiin iyo Israa'il.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Bank Moon ayaa sheegay in go'aanka la gaaray uu adkeynayo wadahadallo markale dhexmara labada dal, isagoona ka codsaday labada dowladood in ay dib u cusbooneysiiyaan dadaalladooda dhinaca wadahadallada ah. 

Ogolaanshaha la siiyay dowladda Falastiin in ay xubin ka ahaato kor-joogeyaasha Qaramada Midoobay ayaa awood u siineysa in ay kamid noqoto hay’adaha caalamiga ah ee UN-ta.

Dowladaha Israa’il iyo Mareykan oo iyagu kamid ahaa 9-ka dowladood ee qaraarka kasoo horjeestay ayaa sheegay in arintani ay caqabad ku noqon doonto hanaanka nabadda labada dal.

Dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo go’aanka Qaramada Midoobay ay ku ansixisay qaraarka ayaa waxa ay ka dhaceen qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee ku yaal dhulka Falastiin.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya