3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Madaxweeynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu Hogaaminayay oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Itoobiya

Arbaco, November 28, 2012 (HOL) —Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo saaka ka ambabaxay Dalka Jabuuti ayaa galabta gaaray magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya

Madaxweeynaha oo ay safarkiisa ku wehlinayeen masuul  katirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa waxa si diiran garoonka diyaaradaha magaalada Adisababa ugu soo dhaweeyay ra’isul wasaaraha itoobiya Desalegn, wasiiro iyo madax ka tirsan dowlad goboleedyada dalkaasi.

Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Itoobiya kadib markii uu salaan sharaf ka gudoomay ciidamada Baambeeyda dalka Itoobiya.

Kulan xarunta madaxtooyada dalka Itoobiya ku dhexmaray madaxweeynaha Soomaaliya iyo ra’isul wasaaraha dalkaasi ayay uga wada hadleen arimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweeynaha iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay kadib markii uu kulankooda soo dhamaaday ayaa saxaafadda u sheegay in ay kawada hadleen arimo ku saabsan xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dowladiisa ay had iyo jeer u taagantahay caawinta Soomaaliya, wuxuuna xusay in dowladda Itoobiya ay Soomaaliya ka caawin doonto arimo badan oo ay kamid tahay dhanka tababarrada saraakiisha ciidamada oo uu xusay in ay muhiim u tahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal qani ah islamarkaasina loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay dalka wax kasoo saartaan maadaama buu yiri ay imika nabad kusoo noqoneyso dalka.

Madaxweeynaha Soomaaliya oo ugu danbeyntii goobta kahadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Itoobiya, isagoona xusay in dowladda Itoobiya ay had iyo jeer gacan siineysay Soomaaliya laga soo bilaabo ilaa burburkii dowladii hore ee Soomaaliya ilaa imikana ay garab taagantahay.

Waa booqashadii ugu horeeysay ee madaxweeynaha Soomaaliya uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii uu qabtay xilka madaxweynenimo ee dalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/28/2012 7:55 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay dalka Jabuuti ayaa sheegay in safarka ay ku tageen Jabuuti uu isugu jiro laba qodob oo kala ah: maadcelin iyo inay tusaale ka dhigtaan sida dalkaas yar uu u shaqeynayo.

11/28/2012 6:39 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa si weyn loogu dareeray sidii dadweynuhu ugu codayn lahaayeen musharaxiinta ka sharaxan degmooyinkooda, waxaanay Dadweynuhu saaka arooryadii hore safaf dhaadheer u galeen goobaha laga codaynayo, iyagoo si degan ugu jira sefefka una samraya cadceedda kulul iyo wakhtiga dheer ee ay ku jiraan safafka.

11/28/2012 6:20 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Iska-horimaad sababay khasaare nafeed ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhexmaray duleedka degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo mas'uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegteen dagaalka.

11/28/2012 6:17 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr: Augustine Mahiga, ayaa ka raali galiyey madaxweynaha iyo shacabka Somaliland warqad ka soo baxday xafiiskiisa oo uu madaxweynaha Somaliland si weyn u qoonsaday kuna tilmaamay mid gef ku ah qaranimadda Somaliland.

11/28/2012 6:00 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay degmadaas ka qaadaan isbaarooyin yaallay, waxayan dowladda ka dalbadeen inay degmadaas geysto ciidammo ka hortaga in isbaarooyinka lasoo celiyo.

11/28/2012 3:24 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed waxayna labadani masuul ka wada hadleen arimo ku saabsan iskaashiga labada dal.

11/28/2012 3:15 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Hay'adda Laan-Qeyrta Cas ee (ICRC) ayaa soo gabgabeysay raashin qaybin ay kawadday gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo sheegtay in deeqdaas ay ka faa'iideysteen 170,000 oo qof oo ku nool gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

11/28/2012 3:14 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee degmada Baardheere ayaa sheegay inay saaka gacanta ku dhigeen labo dhalinyaro oo ka yimid dhinaca degmada Mandheera ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku sheegeen inay yihiin basaasiin u adeegaya Kenya.

11/28/2012 2:40 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Qof ku hubeysnaa qoriga AK-47 ayaa fiidnimadii xalay ku toogtay magaalada Baladweyne sadax ruux oo rayid ah, kuwaasoo ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan magaalada.