3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Dadweynaha Somaliland oo safaf dhaa-dheer ugu jira Goobaha Codadka laga bixinayo iyo Madaxweynaha oo Codkiisii Dhiibtay

Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa si weyn loogu dareeray sidii dadweynuhu ugu codayn lahaayeen musharaxiinta ka sharaxan degmooyinkooda, waxaanay Dadweynuhu saaka arooryadii hore safaf dhaadheer u galeen goobaha laga codaynayo, iyagoo si degan ugu jira sefefka una samraya cadceedda kulul iyo wakhtiga dheer ee ay ku jiraan safafka.

Sodomeeyo goobood oo ku yaalla magaaladda Hargeysa xaafadaheedda kala duwan oo aanu kormeer ku samaynay, ayey gudoomiyeyaasha goobaha codka laga bixinayo iyo wakiiladda ururadda iyo xisbiyada u joogay goobaha codeyntu noo sheegeen inay si wanaagsan hawshoodu u socoto, isla markaana aanay wali wax dhibaato ah kala kulmin, inkastoo goobaha qaarkood ay jireen xisbiyo aan usoo diran muraaqibiin goob joog u noqon lahaa goobaha qaarkood, iyadoo toddobada ururba laga rabo hal qof oo goobjoog u ahaada qaabka codbixintu uga socoto.

Sidoo kale, waxa jiray Meelaha qaarkood oo ay ka taagnaayeen  khilaaf u dhexeeyey dadka codka dhiibanaya iyo Askarta ilaaladda, iyagoo dadkaasi ka cabanayey inay askartu ku yartahay taasina ay keenayso inay dadku xoog ku jiidhaan ka dibna uu nidaamka safka loogu jiray lumayo, isla marakana buuq iyo is riix riix ka imanayo.

Dadweynaha intoodda badan waxay safka galeen habeenimaddii, halka qaarkood ay yimaadeen markii ay saaladda subax soo tukadeen, sidoo kale intii aanu kormeerka ku jirnay goobaha codbixinta waxa jiray sanaaduuq goobaha qaarkood ku soo qaldamay oo iska xidhnaa wax shaqo ahina aanay ka socon, balse ay askartu ilaalinaysay, halka qaarkoodna ay goobnihii la dhigi lahaa ka soo lumeen, isla markaana soo raaceen sanaduuq kale.


Illaa hadda wax rabshad ah kama dhicin guud ahaan magaaladda Hargeysa marka laga reebo woxoogaa dhalinyaro ah oo ay askartu isku dhaceen oo dhibaatooyin yaryar loo gaystay.

Madaxeynaha Somaliland Dr:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo qaar ka tirsan golihiisa wasiiradda ayaa isna saaka codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’ada shaqaalaha, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay nabad iyo deganaasho ku codeeyaan, halka gudoomiyaha muxaafadka ah ee kulmiye iyo gudoomiyeyaasha qaarkoodna isla goobtan ka codeeyaan.

Guud ahaan gobolada Somaliland ayaa si weyn looga dareeramay doorashooyinka golaha deegaanka si ay u soo doortaan xildhibaanadii golaha deeganadoodda, waxaase la sheegayaa inay gobolada qaar ay rabshado ka dhaceen waxyeelo ka soo gaadhay dadweynihii codaynayey.

Si kastaba ha ahaaatee, doorashada ayaa ah mid xasaasi ah oo ay ku tartamayaan toddoba urur, kuwaas oo laga rabo inay saddex xisbi iskugu soo hadhaan, taas oo walaac badan ku haysta gudoomiyeyaasha ururada, isagoo mid waliba farta wadnaha ku haya, waxaana guud ahaan dalka oo dhan ka sharaxan 2,653 musharax iyo 7 urur, waxaana laga rabaa inay soo baxaan saddex xisbi Qaran iyo 379 xildhibaan oo la wareegi doona maamulka dawladaha hoose ee dalka.

dhinaca kale, waxa iyaguna kormeerkoodii watay goobjoogayaal caalami ah oo u yimid inay ogaadaan qaabka ay doorashadu u dhacayso, waxa kale oo iyana ka mid ah kormeerayaasha qaar ka mid ah ururada bulshadda ee ka jira magaaladda Muqdisho iyo Garoowe oo u yimid inay goobjoogayaal ka noqdaan doorashadda, waana markii ugu horaysay ee doorashooyinka Somaliland ay yimaadaan goobjoogayaal Soomaaliya ka socda.






Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
11/28/2012 12:28 PM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) —Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo saaka ka ambabaxay Dalka Jabuuti ayaa galabta gaaray magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya

11/28/2012 7:55 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay dalka Jabuuti ayaa sheegay in safarka ay ku tageen Jabuuti uu isugu jiro laba qodob oo kala ah: maadcelin iyo inay tusaale ka dhigtaan sida dalkaas yar uu u shaqeynayo.

11/28/2012 6:20 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Iska-horimaad sababay khasaare nafeed ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhexmaray duleedka degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo mas'uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegteen dagaalka.

11/28/2012 6:17 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr: Augustine Mahiga, ayaa ka raali galiyey madaxweynaha iyo shacabka Somaliland warqad ka soo baxday xafiiskiisa oo uu madaxweynaha Somaliland si weyn u qoonsaday kuna tilmaamay mid gef ku ah qaranimadda Somaliland.

11/28/2012 6:00 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay degmadaas ka qaadaan isbaarooyin yaallay, waxayan dowladda ka dalbadeen inay degmadaas geysto ciidammo ka hortaga in isbaarooyinka lasoo celiyo.

11/28/2012 3:24 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed waxayna labadani masuul ka wada hadleen arimo ku saabsan iskaashiga labada dal.

11/28/2012 3:15 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Hay'adda Laan-Qeyrta Cas ee (ICRC) ayaa soo gabgabeysay raashin qaybin ay kawadday gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo sheegtay in deeqdaas ay ka faa'iideysteen 170,000 oo qof oo ku nool gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

11/28/2012 3:14 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee degmada Baardheere ayaa sheegay inay saaka gacanta ku dhigeen labo dhalinyaro oo ka yimid dhinaca degmada Mandheera ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku sheegeen inay yihiin basaasiin u adeegaya Kenya.

11/28/2012 2:40 AM EST
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Qof ku hubeysnaa qoriga AK-47 ayaa fiidnimadii xalay ku toogtay magaalada Baladweyne sadax ruux oo rayid ah, kuwaasoo ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan magaalada.