Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Iska-horimaad sababay khasaare nafeed ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhexmaray duleedka degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo mas'uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegteen dagaalka.
Dagaalkan oo socday muddo saacad ku dhow ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba ka mid ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay, halka ay ku dhaawcmeen tiro intaas ka badan, iyadoo dagaalku uu si iskiis ah u joogsaday.
"Kooxo ka tirsan Al-shabaab oo isku urursanayay duleedka degmada ayay ciidanka dowladdu weerar ku qaadeen wayna kala eryeen, xaaladduna waa mid deggen," ayuu yiri Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Gedo.
Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay, inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen maydadka labo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.
Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka, balse dadka ku sugan gudaha degmada Baladxaawo ayaa soo sheegaya inay arkeen dhaawacyada askar ka tirsan dowladda oo degmadaas la geeyay, xaaladduna ay hadda tahay mid deggen.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay degmadaas muddo kooban la wareegeen xoogagga Al-shabaab kaddib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen, waxaana degmadan oo xadka Kenya iyo Soomaaliya ku taalla ay dhowr jeer kala qabsaday dhinacyada dagaalamaya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Balad-Xaawo
More News
- Madaxweeynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu Hogaaminayay oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Itoobiya
- Madaxweynaha Somalia oo sheegay in sababta Jabuuti ay u booqdeen ay tahay inay tusaale ka dhigaan sida uu dalkaas u shaqenayo
- Dadweynaha Somaliland oo safaf dhaa-dheer ugu jira Goobaha Codadka laga bixinayo iyo Madaxweynaha oo Codkiisii Dhiibtay
- Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Madaxweynaha Somaliland ka Raalli-geliyay Qoraal Xafiiskiisa kasoo baxay
- Maamulka Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo sheegay inay deegaankooda ka qaadeen Isbaarooyinka
- Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti iyagoo kawada hadlay Iskaashiga labada dal
- Hay'adda ICRC oo Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ka qaybisay gargaar isugu jiray Raashiin iyo Abuurka Beeraha
- Al-shabaab oo Dhalinyaro ay ku eedeysay inay basaasiin yihiin ku qabatay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
- Qof Hubeysan oo Dad Rayid ah Xalay ku Dillay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan