4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti iyagoo kawada hadlay Iskaashiga labada dal

Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed waxayna labadani masuul ka wada hadleen arimo ku saabsan iskaashiga labada dal.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhigiisa dalka Jabuuti uu kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahayd howlgallada dhib-udhiska ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowaldda Jabuuti uu uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowladda Jabuuti ay gacan weyn ka geysatay fatahaadii ka dhacday magaalada Beledweyn.

Sidoo kale wasiirka ayaa booqday xerooyin ay ku jireen ciidamada daraawiishta Jabuuti, halkaasoo ay ciidamadu kusoo bandhigeen dhoolatus, waxaana wasiirku uu kulamo la qaatay saraakiisha ciidamadaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa dalka Soomaaliya u dirtay ku dhowaad ilaa 600- oo askari kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdi uu hogaaminayo madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud, kaasoo maalintii labaad ku sugan dalka Jabuuti.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]

Nairobi-Kenya