4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Hay'adda ICRC oo Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ka qaybisay gargaar isugu jiray Raashiin iyo Abuurka Beeraha
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Hay'adda Laa-Qeyrta Cas ee (ICRC) ayaa soo gabgabeysay raashin qaybin ay kawadday gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo sheegtay in deeqdaas ay ka faa'iideysteen 170,000 oo qof oo ku nool gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

ICRC waxay sheegtay in dadka ku nool gobolladaas ay hayso xaalad cunno yaraan ah oo ka dhalatay roobabkii xilliga oo yaraday iyo colaado weli ka jira gobolladaas, waxayna hay'addu sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda dadka gobolladaas ku nool.

"Dagaallada u dhexeeya dhinacyada hubeysan iyo xaaladda cimilada oo aad u xun ayaa sababtay in dadka Soomaaliyeed aysan helin raashin ku filan. Dad badan ayay colaaduhu guryahooda ka saareen, kuwaasoo xaalado bani'aadamnimo ay soo food-saareen," ayuu yiri Patrick Vial oo ah madaxa hay'adda ICRC ee Soomaaliya.

Sidoo kale, ICRC waxay sheegtay inay sii wadayso dadaallada ay u caawinayso dadka ku nool gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo xustay inay siisay dadkii ay caawisay gargaar cunno ah iyo qalabka kale ee ay u baahan yihiin.

"Gargaarka aan bixinayno wuxuu socon doonaa tan iyo bisha Jannaayo ee soo socota, wuxuuna gargaarkan noqon doonaan mid ay dadka la caawinayo ku heli doonaan raashin ay quutaan muddo dheer," ayuu yiri Maxamed Sheekh Cali oo la shaqeeya ICRC.

Hay'addu waxay sidoo kale sheegtay in mashruuc loogu talogalay tababarka dadka kalluumeysatada ah ay ka waddo gobollada, Banaadir, Shabeellada Hoose Jubbada Hoose, kuwaasoo lagu doonayo in dadku ay iyagu soo saartaan raashin ay cunaan ayna isku fillaadaan.

Dhanka kale, ICRC waxay sheegtay in iyadoo kaashanaysa hay'adda bisha cas ee Soomaaliyeed ay miraha abuurka beeraha u qaybisay 15,000 oo beeraley ah, iyadoo xustay in haddii mirahaas la beero ay quudin karaan 90,000 oo qof, iyadoo qoyskii uu ka kooban yahay lix qof.

ICRC ayaa waxay ka howgalaysay Soomaaliya tan iyo sannadkii 1977-kii, iyadoo ka caawisa shacabka Soomaaliyeed helista gargaarka deg-degga ah, sida raashinka, dawooyinka iyo waxyaabaha kale ee deg-degga ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya