4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Guddoomiyihii Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Gobollka Hiiraan oo lagu dilay bartamaha Magaalada Baladweyne
Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw bartamaha magaalada Baladweyne ku toogtay guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in labo dhalinyarro ah oo bastoolado ku hubeysan ku toogteen marxuumka Suuqa Yoobsan oo ah goob aad u mashuul badan xili uu halkaa ku sugnaa.

Saaraakiisha amaanka maamulka gobollka Hiiraan  ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah ragii toogay nabadoonka gacanta ku hayaan halka mid kale oo la socday ay ku raad joogaan.

"Mid ka mid ah kuwii dillay gacanta ayaa ku dhignay, mid kale oo la socdy oo baxsadayna ciidamada ayaa ku raad jooga ayuu yiri,’’ Taliyaha qeybta baliiska Col. Isaaq Cali C/dulle.

Alle ha u naxatiisteen nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade ayaa maalintii shalay loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa siweyn u hadal haya dilka nabadoonka oo maalintii shalay uun lagu caleemo saaray magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya