4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho oo yeelatay Guddoomiye Cusub Kaas oo si rasmi ah xilka ula wareegay Maanta

Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyihii cusub ee Jaaamacadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadaas ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadaas ka qybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan oo isugu jira ganacsato waxgarad, aqoonyahano, maamulka, macalimiinta, ardayda, waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda, Maxamed Macalin Axmed oo sheegay in ujeedada xafladan ay tahay inay xilalka ku kala wareegaan maamulkii hore iyo midka cusub ee Jaamacadda, isagoo xusay in jaamacada oo la aasaasay sanadkii 2005-tii uuna hadda xilka qabanayo gudoomiyihii toddobaad.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay guddoomiyaha xilka ka dagay, Yaxye Ibraahin Cali Hareeri isagoo ka sheekeeyay marxaladihii ay Jaamacadu soo martay saddexdii sano ee uu xilka hayay, wuxuuna tilmaamay in markii xilka uu la wareegayey ay wax dhiganayeen 100-arday, haatanna ay aradaydu yihiin 4,700, wuxuuna tilmaamay in jaamacada ka shaqeeyaan boqolaal qof.


"Marxaladaha aan kusoo shaqeynay kuwa ugu daranaa waxaa ka mid ahaa colaadihii adkaa ee soo maray Muqdisho sanadihii dambe kuwaasoo si weyn noo saameeyay, waxaan aragnay madaafiic fasallada kusoo dhacaysa oo arday dhimasho iyo dhaawac u geysatay, waxaan soo aragnay waddooyin xiran, intii aan shaqada waday jaamacada dhowr mar ayay xarunteeda ka guurtay dagaallada awgeed ILAAHAY mahadiis sabarkeenii iyo dedaalkeenii kaddib waxaan ku guulueysanay inaan jaamacada meel sare gaarsiino," ayuu yiri Yaxye oo ugu baaqay maamulka, macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta inay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka cusub.

Munaasabaddaas waxaa sidoo kale ka hadlay guddoomiyaha cusub ee jaaamacadda Soomaaliya, Dr. Maxamed Cabdiwali Sheekh Yuusuf Garaad oo ugu horreyn uga mahadceliyey maamulkii hore heerka uu jaamacadda soo gaarsiiyey.

"Waxaan wax ku bartay canshuurtii shacabka Soomaaliyeed; si billaash ah ayaana Jaamacaddii ummada uga baxay, waxaan wax dalka ka maqnaa ku dhawaad 30-sano sababta igu kaliftay inaan hadda imaadana waxay tahay si aan dadkeyga iyo dalkeyga ula qeybsado dhibaatada maadaama xiligu dheeraaday wax baddana la maqnaa," ayuu hadalkiisa ku furay mas'uulka cusub ee maamulka jaamacadda la wareegay.

Gudoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday inuu jaaamacada kusoo kordhin doono Kambas cusub, sarena u qaadi doono tayada iyo qalabka aqooneed ee ay ku bartaan ardaya jaamacada wax ka dhigata, wuxuuna ka dalbaday maamulka iyo macalimiinta iyo waalidiinta iney xilkaas cusub ee uu qaaday gacan ku siiyaan.

Ugu dambeyn waxaa goobtaas ka hadlay xubno ku hadlayey qeybaha bulshada sida ganacsatada, ardayda, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda wax ka barta jaamacadda, kuwasoo sheegay in Jaamacaddu ay door muhiim ah ka qaadatay sare u qaadidda aqoonta ardayda Soomaaliyed, waxayna ballan-qaadeen inay la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee jaamacadda.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya