4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Ururrada Bulshada Rayidka ah oo loo qabtay kulan shacabka looga digay inay gabaad u noqon Xarakada Al-Shabaab


Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta loo qabtay kulan ulan gaar ah oo ku saabsan sidii shacabka loogu dhiirrigelin lahaa inaysan qarsan xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya xaafadaha Muqdisho iyo gobollada dalka.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayaa waxaa ka qaybgalay madax ka tirsan bulshada rayidka, sida haweenka, waxgaradka, culummo iyo dhallinyarada ka kala socotay bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo tiradoodu ka badneyd 150-xubnood.

Guddoomiyaha ururrada bulshada, Muxudiin Xasan Afrax oo hadal ku furay ayaa sheegay in maanta ay gabagabo tahay halganka dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

"Waan wada ognahay wixii ay nasoo marsiiyeen Al-Shabaab, waxaana ka codsanayaa shacabka inaysan qarsan kooxdaas oo dhibaato ku ah dadka iyo dalka," ayuu yiri Afrax oo sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ka qaybqaataan sidii loosoo qaban lahaa dembiilayaasha Al-Shabaab isla markaana ciidamada amniga loogu gacan gelin lahaa.

Maxamed Maxamuud Shamuuq, Guddoomiye ku-xigeenka dalladda bulshada rayidka ayaa isagu si gaar ah uga codsaday shacabka inay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa loona soo qaqaban lahaa xoogagga Al-Shabaab ee weli ku sugan deegaannada ay dowladdu ka taliso.

"Annagu hadaan nahay aabayaasha waxba ma ogaan karno, si looga hor-tago fidnada kooxda Al-Shabaab waxaan ka codsanayaa hooyooyinka iyo caruurta xaafadaha jooga inay sheegaan haddii ay arkaan qof Al-Shabaab ka tirsan," ayuu yiri Shamuuq.

Sidoo kale, waxaa halkaasi khudbad gaaban ka jeediyay guddoomiyaha dhallinyarada dalladda ururrada bulshada rayidka ah, C/kariim Cabdulle Cali oo hoosta ka xariiqay in haddii ay yihiin ururrada bulshada bulshada rayidka ah ay soo jeedinayaan in loo caqli celiyo dhallinyarada la lumiyay.

C/kariin Cabdulle wuxuu hadalkiisa ku daray in ururrada bulshada rayidka ah ay la xisaabtamaan hay'adaha amniga ee dowladda isla markaana ay la shaqeeyaan sidii loo cirib-tiri lahaa haraadiga Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, waxaa xiritaankii kulanka ka hadlay, guddoomiye xigeenka golaha dhaqanka, Sheekh Abuukar Axmed Gaabow, isagoo qaybihii kasoo qaybgalay kulanka kula dardaarmay inay dhigooda gaarsiiyaan waxyaabihii ay kororsadeen.

Hadalkii uug dambeeyay ayaa waxaa jeediyay, Ugaas Warsame Cali Suuley isagoo shacabka ku boorriyay inay midoobaan si ay uga hortagaan kooxda Al-shabaab oo uu ku sheegay kuwo nabadda kasoo horjeeda.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya