4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Iska-horimaad khasaare dhaliyay oo Booliiska Puntland iyo Kooxo Hubeysan ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo
Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Israsaaseyn qaddar daqiiqado ah socotey ayaa xalay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacayo ku dhex martay ciidamo ka tirsan Booliska Puntland iyo dabley hubeysan oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan.

Xilli ay ciidamadu howlgal ka sameynayeen agagaarka masjidka Salaaxuddiin ayaa weerar gaadmo ah lagu soo qaaday, waxaana rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayeen ku dhaawacmay labo qof oo rayid ah.

Labadan qof oo midkood ay haweeney tahay, islamarkaana dhaawacyada soo gaarey ay ahaayeen kuwa culus, waxay wararkii ugu danbeeyey ee ay shabakadda HOL magaalada Gaalkacayo ka heshay tibaaxayaan in mid kamid ahi uu geeriyoodey.

Dhacdadaas kadib ayaa waxaa aagga xiray ciidamada Booliska, waxayna sameeyeen baaritaanno lagu raadgoobayey dableydii weerarka soo qaadday, inkasta oo aysan ku guuleysan in ay falkaas cid usoo qabtaan.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggen, mana jiro wax war ah oo arintaas la xiriira oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha Booliska, iyadoo xiriiro badan oo aan la samaynay ay noo suurta geli weydey in aan faahfaahin dheeri ah ka helno.

Talaadadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii  isla-agagaarka masjidka Salaaxuddiin ee xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacayo lagu diley Nabadoon si weyn gobolka Mudug looga yaqaaney oo lagu magacaabi jirey Aadan Faarax Dheere nin kalena lagu dhaawacay.

Waxayna arimahani kusoo aadayaan xilli bilihii u danbeeyey ay magaalada Gaalkacayo soo gaareen ciidamo badan oo ka yimid dhinaca gobolka Nugaal, ujeedada ugu weyn ee loo keenayna ay ahayd sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha burcad-badeedka ah ammaankana u sugi lahaayeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya