12/11/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gaaray deegaanno ku dhow Degmada Jowhar
Axad, November 25, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaanno ku dhow degmada Jowhar, iyadoo halkaas kawada dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana saraakiisha dowladda ay sheegeen inaysan jirin awood hortaagan.

Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/llaahi Cali Caanood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kwa AMISOM ku sugan yihiin deegaanno dhowr iyo toban kiiloo-mitir u jira degmada Jowhar ayna ka go'an tahay inay degmadaas tagaan.

"Deegaannada aan ku sugannahay waxaa ka mid ah deegaanka Xawaadley, ma jirto awood na hortaagan waxaana qorsheynaynaa inaan dhawaan gaarno degmada Jowhar," ayuu yiri Jen. Caanood oo ka gaabsaday inuu sheego xilliga ay ku wajahan yihiin degmada Jowhar.

Shacabka ku nool deegaannada ay ciidamada dowladdu gaareen ayaa u sacabbo tumay ciidamada, waxayna qaarkood oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay soo dhaweynayaan ciidamada dowladda ayna dhibaatooyin ku hayeen xoogaggii halkaas ku sugnaa.

Degmada Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka waaweyn ee gacanta ugu jira Al-shabaab, waxaana goobjoogayaal ku sugan degmadaas ay warbaahinta u sheegeen in xoogagga Al-shabaab ay ku sugan yihiin degmada inkastoo tiro ahaan ay aad u yaraadeen.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoogga saarayso sidii ay Al-shabaab uga saari lahayd deegaannada ay weli ku sugan yihiin, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in tallaabada lagu qabsanayo Jowhar ay kuwaas qayb ka tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/25/2012 10:42 AM EST
Axad, November, 25, 2012 (HOL)- Kulan ay maanta isugu yimaadeen madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakisha ayaa digniin culus loogu diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

11/25/2012 9:51 AM EST
Axad, November, 25, 2012 (HOL) – Taliyaha ugu sareeya ciidamada midowgga Africa AMISOM Andrew Gutti iyo saraakiil kale ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

11/25/2012 9:49 AM EST
Axad, November, 25, 2012 (HOL)- Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo wakhtigii ururada siyaasadda la furay ku dhawaaqay urur diimeed Xisbullah layidhaa ayaa shalay ciidanka amniga ee magaaldda Hargeysa xabsiga u taxaabeen.

11/25/2012 9:46 AM EST
Axad, November, 25, 2012 (HOL) – Qof rayid ayaa ku dhinta is-rasaseyn maanta ku dhaxmartay magaalada Baladweyne ciidamo ku howlanaa sugida amniga iyo kuwa la sheegay in ay si sharci darro ah hubka ugu dhax heysteen dadka shacabka ah.

11/25/2012 7:03 AM EST
Axad, November 25, 2012 (HOL) —Faahfahain dheeri ah ayaa kasoo baxeyso laba qarax oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

11/25/2012 5:37 AM EST
Axad, November 25, 2012(HOL): Soomaalida Sweden ayaa waxa ay baarlamaanka Sweden ku yeelatay xildhibaankii saddexaad oo ka mid ah 349-ka xildhibaan ee fadhiya Baarlamaanka dalka Sweden. Mudane Maxamuud Maxamed Enow waxa uu ka mid noqday xildhibaanada baarlamaanka dalka Sweden iyadii ay xusid mudan tahay in bishii September 2010 loo doortay xubin suge Baarlamaanka isagoo markaas ka sharaxnaa magaalada Stockholm ee caasimadda dalka.

11/25/2012 4:39 AM EST
Axad, November 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 12 ruux oo u badan dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ayaa ku dhintay dagaal saacado qaatay oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray shalay gallinkii dambe degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

11/25/2012 4:06 AM EST
Axad, November 25, 2012 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Mudane: Maxamuud Xasan Suleemaan ayaa maanta booqashiidii ugu horaysay intuu loo magaacabay xilka ku tagay Dakada Caalamiga ah ee Muqdisho isagoona u kuurgaliyey sida ay u shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Dakadu.

11/25/2012 3:55 AM EST
Axad, November, 25, 2012 (HOL) -- Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa u sheegay warbaahinta in ay soo dhameystireen qorshe la doonayo in lagula wareego qeybaha kale ee gobollka oo ay hadda gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab.

11/25/2012 2:16 AM EST
Axad, November 25, 2012 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu ka dhacay gudaha xarunta degmada Kismaayo, iyadoona qaraxu ahaa mid aad u xooggan.

11/25/2012 1:58 AM EST
Axad, November 25, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay isbedel ku sameyn doonto waaxaha ay wasaaraddu ka kooban tahay iyo safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda dalka.

11/25/2012 1:42 AM EST
Axad, November 25, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay horumar laga gaaro dagaalka lagula jiro Al-shabaab.