4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Dagaal Culus oo ka Dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalladan oo ahaa kuwo aad u xooggan ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lixaad leh kusoo qaadeen saldhig ay duleedka degmadaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

Sarkaal magaciisa qariyay oo katirsan xoogagga Al-shabaab ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegtay in  ciidamadooda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Beledxaawo.

Dhinaca kale xiriir aan la sameynay saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayay wax kama jiraan ku tilmaameen la wareegidda magaalada Beledxaawo, waxaana sarkaal katirsan ciidamada dowladda ee gobolka Gedo uu HOL u sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen magaalada wuxuuna sheegay in ay iska caabiyeen.

“Dagaal gaadmo ah ayay magaalada kusoo qaadeen, waana la ceyriyay, magaalada inaga ayaa gacanta ku heyno,” ayuu yiri sarkaalkani oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

Aadan Muxumed Barre oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay isagoo ku sugan magaalada Mandera ee dalka Kenya islamarkaasina aad ugu dhow beledxaawo ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada Beledxaawo, wuxuuna xusay in imika la maqlayo rasaas culus oo ka dhaceyso dhanka magaalada.

Isgaarsiinta magaalada Beledxaawo ayaa gabi ahaanba hawada ka maqan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weliba xaaladda rasmiga ah ee halkaasi ka jirta.

Wixii wararkaasi kusoo kordha dib ayaan idinku soo gudbin doonnaa Insh’allah

 

Hiiraan Online, News Desk.