4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka Codsaday Shacabka ku Dhaqan Islii in ay Mar labaad Doortaan

Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ballan qaaday in uu laba jibaari doono waxqabadkiisa hadii marlabaad ay soo doortaan shacabka ku dhaqan degmada Kamakunji.

Xildhibaanka oo maanta ka qeybgalay xaflad qalinjabin ah oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalinjabisay machadka Atlas Islamarkaasina ka dhacday Hoolka Shirarka hotelka Islii Mall ee xaafadda Islii ayaa sheegay in hadii shacabka ku dhaqan degmada Kamakunji ay marlabaad soo doortaan in uu waxbadan ka qaban doono ammaanka iyo horumarka degmada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay uu wax weyn ka qabtay dhinaca ammaanka, horumarka, dhismaha wadooyinka iyo waxbarashada.

“Anigu markii aan Islii imid ma ahayn qof isleh malaha jago ku raadso ama dhaqaale ku sameyso ama ku dul nooloow dadka islii ku nool, masuul umadaha midoobay ka tirsan baan ahaa, mushaar fiican baan iska qaadan jiray, wax iigu iman jiray ma jirin, wax jidka igu joojin jiray ma jirin, wax saqda dhexe teleefon ii soodiri jiray ma jirin, waan iska ladnaa sababta aan u imid oo aan u istaagay kursigan islii dhaqaale ma ahayn, ee waxay ahayd dadka aan ka dhashay in aan wax u qabto oo horumarkooda iyo dhismahooda ka shaqeeyo,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan Islii in ay codkooda siiyaan hadii ay u arkaan in uu wax ka qabtay xaafadda, wuxuuna yiri“Doorashada danbena waxaan doonayaa inaan sii wado howsha aad ii dhiibateen oo aan dhameystiro, waxan jeclahay inaad ii soo baxdaan.”



Dhinaca kale Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadda Islii in ay sameystaan ciidamo gaar ah oo ku xiran dowladda islamarkaasina ilaaliya nabadgelyada iyo hantida taal xaafadda.

Xildhibaanka oo arintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Xaafadaha kale ee Hunuuda iyo Cadaanka ay deganyihiin, dad bay sameysteen, daafaca xaafadahooda, security bay sameysteen ku xiran dowladda, xaafaddan soomalida waxay u egtahay inaan ninnaba xaaleynin, laakiinse maanta wixii ka danbeeyo waa in ay ogaadaan, xaafaddan waa jaziirad oo kale dhan kaata waxaa kaga hareereysan dad aan waxba heysan oo masaakiin oo diyaar u ah haday fursad helaan hal beriba ha noqoteen inay ka faa’iideystaan oo bililiqeystaan hantida taal xaafadda Islii.”

Xildhibaan Yuusuf ayaa gabagabadii sheegay in Soomaalida Kenya ay yihiin dad nabadda Jecel islamarkaasina ilaalinaya sharciga iyo qaranimada dalka.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli horaanta bisha Maarso ee sanadka soo socdo la filayo in ay dhacaan doorashooyinka madaxtinimada dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya