3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Xukuumadda Kenya oo amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo Khasaarihii ka dhacay Magaalada Gaarisa

Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo khasaarihii nafeed iyo middii maaliyadeed ee ka dhashay rabshadihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa shalay booqasho ku tagay ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga, isagoo shacabka magaladaas u sheegay in magdhow laga siin doono khasaarihii maaliyadeed ee ka dhashay gubashada suuqii ugu weynaa Gaarisa ee Suuq Mugdi.

Sidoo kale, Odinga wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameynayo khasaarihii nafeed ee ka dhashay rabshadihii ay milaterigu ka geysteen magaaladaas, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay in la ciqaabi doono cid walba oo ay kusoo baxdo inay ka ma'suul ahayd dhibaatooyinkii ay milaterigu geysteen.

Rabashadihii ka dhacay Gaarisa oo ka dhashay saddex askari oo si gaadmo ah loogu dilay magaaladaas ayaa waxay sababeen in milaterigu ay howlgallo safballaaran ah ka sameeyaan magaladaas, iyadoo la ogyahay dhimashada laba qof iyo dhaawaca in ka badan 50-qof oo ay ku jiraan haween iyo waayeel.

Madaxweynaha Kenya ayaa amar ku bixiyay in dhacadaas la baaro, isagoo sheegay in ganacsatadii ay hantidu u taallay suuqa gubtay la siin doono magdhow, inkastoo uusan sheegin inta uu magdhowgaas noqon karo.

"Mwai Kibaki wuxuu u ballanqaadayaa dadkii uu ka gubtay suuqa in dib u dhis loogu sameyn doono, sidoo kalena ay dowladdu siin doonto magdhow sida ugu dhaqsiyo badan si ay ganacsigoodii dib ugu soo celiyaan," ayuu madaxweynaha Kenya ku yiri warqad kasoo baxday xafiiskiisa.

Si kastaba ha ahaateen milateriga Kenya waxay iska diideen inay mas'uul ka yihiin dhibaatadii ka dhacday Gaarisa, gaar ahaan gubashada suuqii weynaa degmada, kaasoo ay ku gubatay hanti fara badan.

Magaalada Gaarisa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo kordhayya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay Kenya ciidammo u dirtay Soomaaliya dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay waxyeelladu kasoo gaarayso dadka shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/24/2012 10:43 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

11/24/2012 8:45 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ballan qaaday in uu laba jibaari doono waxqabadkiisa hadii marlabaad ay soo doortaan shacabka ku dhaqan degmada Kamakunji.

11/24/2012 7:47 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay si dhow ula shaqeynayso Dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan golaha wasiirrada ee dhawaan la ansixiyay.

11/24/2012 7:44 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa madaxweynaha u diray waraaq furan oo ay kaga codsanayaan inaanu saxeexan xeerka sirdoonka oo ka hor imanaya xoriyadda saxaafadda Somaliland.

11/24/2012 7:27 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horreysay kula kulmay Muqdisho taliyeyaasha ciidmada booliiska, isagoo ku bogaadiyay howsha ay hayaan, kana dalbaday inay xoojiyaan howlaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho.

11/24/2012 6:10 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa duhurnimadii maanta weerar khasaare geystay ku qaaday mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gobolka Shabeellada hoose u joogay howlo dhedhexaadin ah, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah gaadiidkii ay mas'uuliyiinta dowladdu wateen uu ku gubtay dagaalka.

11/24/2012 3:49 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsan sida loo wacyi-gelin karo dhallinyarada dagaallada ka qaybgala ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, waxaana kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ka qaybgalay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed.

11/24/2012 3:07 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in dhamaashaha isla-xisaabtan la'aanta Soomaaliya ay fursad weyn u tahay xuquuqul insaanka, isagoo si adag u cambaareeyay dilalka loo geysto wariyeyaasha.

11/24/2012 2:19 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Jimcihii shalay kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya, isagoo kala hadlay sidii loo sii wadi lahaa howgallada dalka looga saarayo Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran.