4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Qarax ka dhacay Magaalada Wajeer ee dalka Kenya oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa dhintay saddex oo uu ku jiray cunug yarna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax xalay fiidkii ka dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer oo ka mid ah degmooyinka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Booliiska degmada Wajeer ayaa ku eedeeyay weerarkan Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli weerarro qaraxyo ah ay ka dhaceen toddobaadkan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

"Qaraxu wuxuu ka dhacay meel ay dad badan oo Kenyan ah ku qaxweynayeen, waxaana ku dhintay hal qof, saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ku sugnaa goobaha ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga uu ka dalbaday shacabka dalkaas inay gacan ka siiyaan dowladda sidii looga hor-tegi lahaa qaraxyada laga geysanayo gudaha dalka Kenya.

Sidoo kale, weerarkan ayaa waxaa lagu soo beegay xilli ay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay dagaallo culus kula galeen gobolka Jubbada hoose xoogagga Al-shabaab kuwaasoo difaacanayay degmadea Afmadow oo ah degmada labaad ee ugu weyn Jubbada hoose.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, balse ciidanka ammaanka ee Kenya ayaa wada baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii weerarkaas geystay mana jirto cid loo qabtay weerarka bambaano ee xalay ka dhacay Wajeer.

Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ku yaala soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacayay qaraxyo ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamada Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya