4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Kooxda Chelsea oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Koobka Horyaalnimada Yurub


Axad, May 20, 2012(HOL): Kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxdii 5aad oo Ingiriis ah oo ku guuleysata Koobka Horyaalnimada Yurub, kaddib markii ay caawa ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Champions League ay kaga adkaatay Kooxda Byer Munich  oo ay ku kala baxeen gool-ku-laad 4—3 ah.

45-kii daqiiqo ee hore ee ciyaarta ayay labada kooxoodba dhalin waayeen wax goolal ah, inkastoo ay iska khasaariyeen fursado goolal loo fishay. Ma jirin wax calaamad cassaan ah oo la bixiyay intii ay ciyaartasocotay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar adag oo laga dheehan karay in tababarayaasha labada kooxooday la soo dardaarmeen ciyaartoyda,  waxayna taasi keentay in daqiiqaddii 83aad uu weeraryahanka Byer Munich ee Thomas Muler uu goolkii ugu horreeyay u dhaliyay kooxdiisa, hayeeshee waxaa taasi beeniyay oo goolkii barbarraha u dhaliyay kooxdiisa weeraryahan Didier Drogba oo daqiiqaddii 88aad dhaliyay goolkii bareejada.

90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay markii ay ciyaarta mareyso 1—1  oo ay barbarro tahay ayaa waxaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah, waxaana 15-kii daqiiqo ee hore ay heshay kooxda Byer Munich Gool-ku-laad, balse waxaa ka khasaariyay Arjen Robben oo rigooradii laga qabtay, iyadoo taasina ay si weyn uga xumaadeen ciyaartoyda, tababarayaasha iyo taageerayaasha kooxda Byer Munich.

Labada kooxoodba kuma guuleysan in ay wax goolal ahdhaliyaan 15 daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysay, waxayna taasi keentay in labada kooxoodba ay gool-ku-laad ku kala baxaan, waxayna natiijadii noqotay in ay Chelsea 4—3 ku qaadday Koobkii Champions League.


Guusha ay gaartay Kooxda Chelsea oo ku ciyaareysay dalka Germany  ayaa waxay tahay mid taariikhi ah, waayo kooxda waxay ka qeyb qaadan doontaa  tartanka Horyaalnimada Yurub ee soo socda, sidoo kalena waxay sharaf iyo maamuus weyn u tahay tababaraha Kumeel gaarka ahee Kooxda Chelsea Roberto Di Matteo oo tan iyo markii uu kooxda hoggaanka u qabtayay guulo badan gaartay.

Kooxda iyo taageerayaashooda ayaa aad u dabaal-degay,waxaana Koobka luxay dhammaan ciyaartoyda, Tababaraha Kooxda Roberto Di Matteo iyo milkilahakooxda Chelsea Roman Abramovich oo isagu farxad gaar ah dareemayay bacdamaa ay kooxda markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka horyaalnimada Yurub.

Waxaa xusid mudan in ciyaaryahan Didier Drogba uu ahaa midka sababta u ahaa guusha Chelsea , gaar ahaan ciyaartii ugu dambeysay, waayo wuxuu mar dhaliyay goolkii barbarraha, mar kalena wuxuu dhaliyay goolkii guusha ee gool-ku-laadka ama rigooraha ahaa ee ay kooxda guusha ku gaartay.




SalaadIidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]