4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Booliiska Degmada Xamar-weyne oo gudaha degmadaas ku tpogtay nin Hubeysan oo xirnaa Tuutaha Ciidamada Milatiga Soomaaliya

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maanta ku toogtay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir nin hubeysan oo xirnaa surweelka ciidamada milateriga Soomaaliya iyo shaar caadi ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu falal ammaan-darro ku howlanaa.

Sarkaal booliiska ka tirsan ayaa sheegay in dilka askarigan uu yimid kaddib markii uu isku dayay inuu la dagaalamo ciidammo booliis ka tirsan oo amar ku siiyay in qoriga uu dhigo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askari qori culus watay uu dilay ruuxa hubeysan oo watay surweel ciidan iyo shaati shacab, iyadoo maydka ruuxaas uu muddo yaallay halkii lagu toogtay.

"Dilkan saameyn ayuu ku yeeshay ganacsiga, inkastoo markii dambe ay xalaaddu si caadi ah kusoo laabatay," ayuu yiri ganacdsade dukaan ku leh suuqa Xamar-Weyne oo la hadlay saxaafadda.

Toogashadan ayaa waxay imaanaysaa xilli uu dhawaan ka sheegay warbaahinta taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini in la toogan doono askarigii lagu arko inuu dhac geysanayo ama gacmaha kula jira falal ammaan wax u dhimaya.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay ka cabanayeen toddobadyadii ugu dambeeyay dhibaatooyin ay u geysanayaan kooxo ku labisan dharka ciidamada dowladda, iyadoo dowladdu ay dhowr jeer oo hore uga digtay askarta inay dadka dhibaateeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya