9/26/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Diyaarad ay leedahay Turkish Airways oo mar kale fariisan waday Garoonka Muqdisho iyo maamulka Garoonka oo Arrintaas ka hadlay


Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxay mar kale fariisan waday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo maamulka garoonka uu sheegay in sababaha ay u fariisan waday aysan ahayn khilaaf u dhexeeya shirkadda iyo maamulka garoonka diyaaradaha.

Agaasimaha waxaada duulista Soomaaliyeed  Cali Maxamuud Ibraahim oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in diyaaraddu ay mar kale fariisan waday garoonka muddo toddobaad gudihiiis ah, isagoo meesha ka saaray inuu ka dhashay muran u dhexeeya iyaga iyo shirkadda diyaaradda iska leh.

"Diyaaraddu sababo maamulkooda la xiriira ayay u cago-dhigan waday garoonka, mana jiraan wax khilaaf ah oo sababay inay garoonka ku degi waday," ayuu yiri Cali Maxamuud.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in duuliyaha diyaaradda uu diiday inuu kasoo dego dhinaca dekedda Muqdisho, isagoo sheegay buu yiri in maamulkooda uusan taas ogoleyn, ayna tahay sababta ay ugu degi waday diyaaraddu shalay oo Jimco ahayd garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

"Khilaaf horay ugu dhexeeyay shirkadda Turkish Airlines iyo maamulka garoonka waa jiray, wuxuuna ku saabsanaa lacagaha garoonka looga qaado diyaaradaha, taasna waa la xalliyay oo shirkadda ayaa ogolaatay inay bixiso lacagtaas," ayuu yiri madaxa saadaasha hawada ee garoonka Aadan Cadde.

Diyaaraddii Turkish Airlines ee cago-dhigan wayday garoonka Muqdisho ayaa ku dagtay garoonka diyaaradaha ee Nairobi, iyadoo dib ugu duushay dalka Turkiga oo ay markii hore ka timid.

Sidoo kale, Arbacadii lasoo dhaafay ayay diyaaradda Turkish Airlines fariisan waday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo ku dagtay garoonka Addis Ababa dibna ugu laabtay dalka Turkiga.

Turkish Airlines ayaa noqonaysa diyaaraddii ugu horreysay oo duulimaadyo caalami ah ku timaadda Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn saameynta ay duulimaadyadeeda ay ku imaanayso Soomaaliya ku yeelan karaan sababihii keenay inay laba jeer fariisan waday garoonka diyaarada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/19/2012 6:26 PM EST
Axad, May 20, 2012(HOL): Kooxda Chelsea ayaa noqotaykooxdii 5aad oo Ingiriis ah oo ku guuleysata Koobka Horyaalnimada Yurub, kaddibmarkii ay ciyaartii kama dambeysta ahayd kaga adkaatay Kooxda Byer Munich oo ay ku kala baxeen gool-ku-laad 4—3.

5/19/2012 12:18 PM EST
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa ugu deeqday gaariga curyaaminta nin curyaan ah oo kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku tabaalaysan dalka Kenya.

5/19/2012 9:41 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba haween ah ayaya kooxo hubeysani ku dileen xeryaha qoxootiga IFO iyo Dhagaxley ee dalka Kenya 24-kii saac ee ugu dambeeyay, iyadoo sidoo kale ay dableydu mid ka mid ah gacmihiisa ka jareen nin ay afduub ku kaxeysteen.

5/19/2012 8:55 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Addis Ababa ka furmo shir looga hadlayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay Puntland ka cabatay iyadoo shirkaas ay ka qaybgeli doonaan dhammaan saxiixayaashii heshiiska tubta nabadda (Roadmap).

5/19/2012 8:39 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa iyo mas'uuliyiinta maamulka degmada ayaa maanta xariga ka jiray dhismo cusub oo ay ku sii shaqeyn doonaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne.

5/19/2012 8:25 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maanta ku toogtay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir nin hubeysan oo xirnaa surweelka ciidamada milateriga Soomaaliya iyo shaar caadi ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu falal ammaan-darro ku howlanaa.

5/19/2012 8:07 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi kula kulmay madaxweyaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ka dalbaday in dalkiisu uu ciidammo dheeraad ah ku xoojiyo kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

5/19/2012 7:47 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Siminaar ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD halku dhiggiisuna ahaa "Wada-shaqeynta odayaasha dhaqanka waxay horseedi kartaa nabadda iyo amniga Soomaaliya oo fiicnaada" ayaa maanta loogu qabtay Muqdisho odayaasha-dhaqanka Soomaaliyeed.

5/19/2012 7:24 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ciidamada Dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya iyo Xoogagga Al-shabaab ayuu saaka aroortii dagaal xooggan ku dhexmaray duleedka deegaanka Taabto ee gobolka Jubada Hoose.

5/19/2012 7:22 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo midi uu ahaa askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay, lix kalena way ku dhaawacmeen laba bambo oo saakay lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo howl-gallo lagu burburinayo dhismayaal sharci-darro ah ka waday suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

5/19/2012 4:27 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Shirkadda Horn Petroleum Corp ayaa sheegtay inay joojisay ceelkii shidaalka ee ay ka qodaysay dooxada Darroor ee Puntland, kaddib markii ay sheegtay inaysan u muuqan in halkaas uu shidaal ka imaan karo.

5/19/2012 4:05 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Madaxa shirkadda SKA ee maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Anthony Randerson ayaa xaqiijiyay in ruux shaqaalahooda ka mid ah uu la goostay lacago fara badan oo ay shirkaddu lahayd.

5/19/2012 3:36 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii labaad oo wax-ka-bartay kuliyada caafimaadka ee jamaacadda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu qabtay magaaladaas, waxaana ardaydan ay muddo laba sano ah baranayeen cilmiga caafimaadka.