4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay Maxkamadeynayso 11-qof oo ay ku eedeysay in xiriir ay la leeyihiin Al-shabaab

Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Maxkamadda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay maxkamadeynayso 11-qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Shan ka mid ah kooxdan ayaa la sheegay inay xabsi ku jiraan, iyadoo arrintan ay imaanayso xilli ay ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen Soomaaliya sannadkii hore si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Dadkan ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu u dhashay dalka Kenya, balse lama sheegin halka kooxdani ay ka sameeyeen unugga xiriirka la leh Xarakada Al-shabaab.

Xeer-ilaalinta maxkamadda federaalka Itoobiya ayaa waxay ku eedeysay kooxdan inay abaabulayeen qorshe ay ku doonayeen inay Itoobiya u burburiyaan siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa bishii Abriil ee sannadkan u sheegay baarlamaanka dalkiisa inay jirto koox xiriir la leh Al-shabaab oo is urursi kawadda deegaannada Arsi iyo Bale oo ka tirsan Itoobiya.

Xarakada Al-shabaab oo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya dagaal kula jirta ayaan ka hadlin warka dowladda Itoobiya kasoo baxay ee ah in unug iyaga xiriir la leh ay isku urursanayaan gudaha Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya