4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo sameeyay Tijaabo doorasho oo Qaybo ka mid ah Dadweynuhu Codaynayaan

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sameeyey maalin doorasho tijaabo ah oo ay doonayaan inay ka qiyaas qaataan qaabka ay doorashadda u qabanayaan iyo sida ay dadku u fahansan yihiin doorashadan golaha deegaanka oo ka duwan tii hore.

Doorashadan golaha deegaanka Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto ayaa loo sameeyey maalin tijaabo ah, iyadoo laba boqol oo qof oo dadweyne kala duwan ah lagu tijaabiyey qaabka ay doonayaan inay u qabtaan doorashadda iyo qalabka ay isticmaali doonaan.

"laba boqol oo qof ayaa tijaabada doorashada geli doona, waxaanay ka koobnaan doonaan dad waayeela, dhalinyaro wax akhriyi kara iyo kuwa aan waxba akhriyi Karin oo ka kooban rag iyo dumarba, guddida doorashooyinka waxay nidaamkan u samaysay si loo helo sawir dhab ah oo ka turjumaya bulshadda somaliland noocyadeedda kala duwan."ayuu yidhi afhayeenka guddidda doorashooyinka Axmed Maxamed Xirsi Geelle ka hadlayey doorashadan tijaabadda ah.

Afhayeenka ayaa sheegay Sababaha ay ugu baahdeen in la qabto maalinta doorashada tijaabadda inay taha inay si mugleh looga baaraandego baaxada hawl -gal ee codayntu yeelan doonto, xilliga doorashada deegaanka ee foodda inagu soo haysa, ahna markii ugu horaysay ee si toos ah loo soo dooranayo Xildhibaanadda golaha deegaanka oo tirada musharaxiintuna ay aad u badan tahay.

Doorashaddii hore ee golaha deegaanka ayey dadku dooran jireen xisbiga balse aan la dooran jirin musharaxa, taas oo keentay in wax laga bedelo xeerkii doorashadda oo laga dhigo mid furan oo qof waliba uu dooranayo musharaxa uu rabo, sidoo kale, waxa ay xisbiyadda ka badan yihiin kuwii bariigi hore, taasina waxay keenaysaa inay musharaxiintu aad u bataan loona baahdo agab ka badan tii hore, sidaa darteed ay xarunta Komishanka ku sameeyaan doorasho tijaabo ah si ay ugu qiyaas qaataan doorashooyinka rasmiga ah ee ay doonayaan inay qabtaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland