3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Taliska Milatariga Somaliland oo faah-faahiyay khasaarihii ka dhashay dagaal Hargeysa ku dhexmaray ciidankooda iyo dad hubeysan


Arbaco, May 16, 2012 (HOL) - Taliyeyaaasha ciidamada milatariga iyo wasiiradda arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga Somaliland, ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka uu dagaalkii shalay ka dhacey Xero Ciidan oo ku taalla bariga magaaladda Hargeysa, gaar aana xaafadda New Hargeys iyo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee labaddii dhinac ee dagaalamayey soo kala gaadhay.

 Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Gen: Ismaaciil Maxamed Shaqale,ayaa sheegay in saddex askari kaga dhineen, afar kalana kaga dhaawacmeen, halka dablaydii hubaysnayda ay laba ka dileen, sagaalna ka dhaawaceen, 28 qofna maxaabiis ahaan u qabteen.

“Ciidankaas Qaranka ee halkaas degani isaga oo nabad ku waa-bariistay oo Salaadii Subax tukaday ayaa laba jiho laga soo weeraray, waxaana lagu riday hub noockasta oo dadku qaadi karo, haday noqon lahayd BKM, Baasuuke iyo qoryaha fudud, isla markaana wax aan lagu ridin muu jirin, natiijadii dagaalkaas ka dhalatay waxa ay noqotay in Ciidanka Qaranka ay halkaas kaga dhintaan saddex askari, waxaana kaga dhaawacmay 4 askari”ayuu yidhi taliyaha ciidanka Militariga Somaliland Gen: Shaqale, isagoo sheegay in xeradan la soo weeraray la yidhaa madaafiicda goobta horana loo odhan jiray xeradda Soodaanta.

Taliyaha Booliska somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isna sheegay in dablaydaasi ay hubka noocyadiisa kala duwan ku soo weerareen xeradda, isla markaana ay dhibaato ka soo gaadhay dad shacab ah oo aan labadda dhinac midna ahayn, waxaana halkaasi rasaastii habowga ahayd ku dhacday saddex qof oo kale oo mid haweenay uur leh ahayd midna ilmo yar ahaa oo halkaasi ku geeriyooday.

Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha, Axmed Cadami iyo Maxamed Nuur Duul, ayaa iyaguna sheegay inay ka xun yihiin dhibaatadaasi dhacday, sheegay in aanay dib dambe u dhicin, waxaanu ku tilmaameen inay tahay wax aanay Hargeysa ka filayn.

Sidoo kale, taliska ciidanka Milatariga ayaa soo badhnigay hub aad u badan oo laga qabsaday dablayda weerarka soo qaaday, hubkaas oo iskugu jira noocyadda kala duwan ee hubka.


Sidoo kale, waxa isaguna arrintaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf Xiiray oo ka mid ah madax dhaqameedka dablaydan weerartay xeeradda ciidanka, waxaanu sheegay inuu ka xun yahay, isla markaana ay khalad ahayd in xero ciidan la weeraro, isagoo xukuumadda usoo jeediyey inay dulqaadato, wixii jirana ay keenayaan miiska wada hadalka.

Suldaan Yuusuf Xiiray ayaa sheegay in toban qof ay dhaawac ku noqdaan iska hor imaadkaasi, laguna dawaynayo cisbitaalka ciidamadda Militariga isagoo sheegay inay dawladda ka wada hadleen in inta dhaawacooga halista yahay la keeno cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

“ inay xero ciidan galaan may ahayn oo khalad bay ahayd , dadkan dhintay waa kugu dhimay oo kaa dhimay, cid dambe oo is dhaqaajin kartaana ma jirto, waana nabadgalo wixii inaga maqan ee aynu doonayna miiska wada hadalka ayeynu ku dhamaysanaynaa”ayuu yidhi suldaan Xiiray.

Dablaydan weerartay xeradda ciidanka ayaa sheeganaya inay dhulkan ciidanku degan yahay ay iyagu leeyihiin, isla markaana dawladihii hore ay xoog kaga qaaday, sidaa darteed  dhulkan loo baneeyo ama dhul kale loogu bedelo.

 Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa arrintan ku dhaliilay dawladad sababta ay u ogaan wayday inta waxan oo hub ah la soo ururinayey, waxaana dadweynuhu intoodda badnayd ka anfariireen hubka laxaadka leh ee laga soo qabtay dablayda, waana markii ugu horaysay ee si toos ah dad hubaysan iyo ciidanka milatarigu iskaga hor yimaadaan magaaladda Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/16/2012 6:45 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa barqonimadii maanta lagu toogtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha iyadoo sidoo kale uu iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah uu ka dhacay maanta degmada Wardhiigley.

5/16/2012 6:37 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Xaaladda ammaanka oo sii xumaaneysa awadeed ayay hay'adda MSF waxay sameysay go’aan adag oo ah inay xirto mashruucyada degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Xiin-dheere kuwaasoo la furay sanadihii 2006-dii iyo 2008-kii.

5/16/2012 6:28 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa lagu magacaabay afhayeen cusub oo uu yeesho maamulka gobolka Banaadir, kaddib markii xilka laga qaaday afhayeenkii hore.

5/16/2012 6:14 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga ayaa ka dalbaday beesha calaamka in la bixiyo tageero dhaqaale oo suuro-gelin kara dhameystirka nidaamka qariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah ka hor bisha Ogoosto.

5/16/2012 5:52 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka mid ahaa guddigii baarlamaanka bariga Afrika ee kormeerayay doorashadii baarlamaanka dalka Al-jeeriya ayaa sheegay in doorashada baarlamaan ee dalkaas ay u dhacday si cad oo cadaalad ah.

5/16/2012 5:39 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Dhaq-dhaqaaqyadaan iyo xiisadahana dagaal ayaa yimid kadib markii Ciidamada huwanta ah ee dowladda KMG, Raaskaambooni iyo Kenyan ay saaka ka soo dhaqaaqeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.

5/16/2012 3:36 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay, shan qof oo kaelna ay ku dhaawacmeen weerar saddex bambaano oo lagu weeraray xalay hoteel lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

5/16/2012 3:21 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Ku xigeenka xoghayaha arrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Donald Yamamoto oo maanta oo Arbaco ah shir jaraa’id ku qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa kaga hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay waqtiga u harsan dowladda KMG iyo hirgalinta qodobbada qariirada nabadda "Raodmap".

5/16/2012 3:15 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Munaasabadaan oo ay isla soo qaban-qaabiyeen wasaaraada dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shqaalaha iyo ururka SYL II iyo Ururka dhalinyarda Qaranka NYC ayaa ka dhacday shalay hoolka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin sarsare oo isugu jira xildhibaanno, wasiiro, ururrro dhaliyaro iyo haween.

5/16/2012 3:08 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

5/16/2012 3:07 AM EST
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay inay dhac u geysteen suuqa xerada Qoxootiga ee dhagaxley oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.