4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Dajire Augustine Mahiga oo Beesha Caalamka ka codsaday in dhaqaale lagu bixiyo Meel-marinta heshiiska Qariidadda Nabadda

Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga ayaa ka dalbaday beesha calaamka in la bixiyo tageero dhaqaale oo suuro-gelin kara dhameystirka nidaamka qariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah ka hor bisha Ogoosto.

Danjire Mahiga ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan caqabado ka horimaanaya meel-marinta dhameystirka xilliga KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in waqti yari iyo kharash la'aan ay caqabad ku noqon karaan dhameystirka Roadmap-ka.

"Waxaa jira dad doonaya inay caqabad ku noqdaan Roadmap-ka iyagoo wadiiqooyin kala duwan isticmaalaya si ay uga hortagaan guulihii laga gaaray heshiiskaas," ayuu yiri Mahiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay in canaasiirtaas wax laga qabto ka hor inta aysan yareysan howsha lagu dhameystirayo xilliga KMG ah.

Madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Shariif oo goobjoog ka ahaa shirkii looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay xarunta golaha ammaanka ayaa yiri: "Waxaan shaki ku jirin dareenka bulshada calaamka ee ku aaddan Soomaaliya inuu aad u fiican yahay ayna ka go'an tahay in la dhiso hay'adaha dowladda maamulkana la gaarsiiyo dalka oo dhan."

Dhanka kale, bayaan kasoo baxay shirka golaha ammaanka ayaa lagu soo dhaweeyay horumarka ay DKMG ah ka sameysay meel marinta qariidadda nabadda, waxayna muujiyeen sida ay uga go'an-tahay inay taageerayaan nidaamkaas.

Golaha ayaa wuxuu dowladda iyo dhinacyadii saxiisay heshiiska Roadmap-ka laga dalbaday inay laba-laabaan dadaalkooda lagu dhamkeysitrrayo heshiskaas, lagana qayb-geliyo dumarka iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyn, golaha ammaanka ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeen doorka ay yeelan karaan dadka kooxaha horjeeda meel-marinta heshiiska qariidadda nabadda ee looga baxayo xilliga KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya