4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Xarakada Al-shabaab oo weerartay Degmada Gabahaarey oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda KMG ah

Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Dagaalkan oo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa ka billowday bartamaha degmada kaddib markii ay si dhuumaaleysi ah gudaha degmadaas ku galeen xoogag Al-shabaab ka tirsan ayna weerareen saldhig ay cidamadu ku lahaayeen bartamaha degmadaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado ayna xoogagga Al-shabaab muddo ku sugnaayeen gudaha degmada inkastoo ay markii dambe isaga baxeen.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheeay in dagaalkaas uu qayb ka ahaa dagaallo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan degmooyinka gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaasoo laga qabsaday sannadkii hore.

Inkastoo aysan jirin faahfaahin kasoo baxday saraakiisha dowladda oo ku saabsan dagaalkii xalay ayaa haddana waxay sheegeen inay dib faahfaahin uga bixinayaan dagaalkii xalay.

Degmada Garbahaarey ayaa waxaa saakay laga dareemayaa xiisado dagaal iyadoo ciidammo fara badan oo kuwa dowladda KMG ah ay buuxiyeen gudaha degmadaas iyadoo laga baqdin qabo inay dagaallo dhacaan, maadaama ay xoogaggii Al-shabaab ku sugan yihiin duleedka degmada.

Waa markii labaad oo dagaalyahannada Al-shabaab ay gudaha degmadaas kula dagaalamaan ciidamada dowladda KMG ah tan iyo markii uu sannadkan dhashay, iyadoo dhinacyadu ay koox walba doonayso inay degmadaas maamusho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya