12/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Ciidamada Midowga Yurub oo Weerar ku qaaday saldhig ay Kooxaha burcadbadeedu ku lahaayeen Barriga Soomaaliya


Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya oo isticmaalaya diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaan ayaa aroornimadii hore ee saakay weeraray saldhig ay burcadbadeeddu ku lahaayeen meel ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howgalkan oo ay ka qaybqaateen maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ayaa waxaa lagu burburiyay doomo ay isticmaalayeen kooxaha burcadbadeedda ah iyo sahay saldhiggaas u taallay, iyadoo howgalkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo barriga laga fuliyo.

Weerarkan ayaan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana saraakiisha Midowga Yurub ee hoggaaminayay howgalka ay sheegeen in howgalkan uu ahaa mid ay ogolaasho uga haystaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu weerarkan ka dhacay ayaa sheegay in doomaha ay burburiyeen ciidamada badda Yurub ay ku jireen kuwo ay dadka deegaanku ku kalluumeystaan, iyagoo xusay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

Mid ka mid ah burcadbadeeddii saldhiggaas ku sugnaa ayaa sheegay inay isaga carareen goobtii la weerary kaddib markii diyaaraduhu ay dhowr jeer ku wareegeen saldhigga, wuxuuna xusay inuusan ogeyn khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa la sheegay inay afduub ku haystaan 17-markab iyo 300 shaqaale oo la socda maraakiibtaas.

Weerarkan badda ah ee ay fuliyeen ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalamaya burcadbadeedda ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga hortagayo in burcadbadeeddu aysan ka helin dhulka iyo meel ay ku nastaan, taasoo ay saadaalinayaan hoggaamiyeyaasha howgalkan inuu yahay midka looga guuleysan karo burcadabdeedda.

Haweenyda afhayeenka u ah howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, Jacqueline Sherrif ayaa sheegtay in howlgalkan uu sii socon doono inta laga cirib-tirayo burcadbadeedda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/15/2012 4:11 PM EST
Talaado, May 15, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo khudbaddiisana ay dhinacyo badan taabaneysay.

5/15/2012 9:38 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah oo loosoo agaasimay isla markaana uu soo qaban-qaabiyay urur dhalinyarro oo lagu magacaabo SYAO ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

5/15/2012 9:17 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ururaddii siyaasaddda ee qiimaynta ku hadhay ayaa maanta ku dhowaaqay inay samaysteen dallad xaqoodda u raadisa, kuwaas oo sheegay in aanay wali ku qancin natiijaddii ay guddidda diiwaangelinta ururadda ku dhowaaqeen, isla markaana sheegay inay dadka usoo bandhigayaan cadaalad darooyinka ku dhacay ururadda hadhay.

5/15/2012 8:27 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Sakaal ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo culus ayaa kasoo gaaray kaddib qarax miino oo maanta lagula eegtay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

5/15/2012 8:10 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen wasiirro, xildhibaano, qaybaha bulshada iyo dhallinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho.

5/15/2012 7:42 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Dad shacab ah iyo ciidamada amniga Somaliland ayaa maanta dagaal waqti kooban socday wuxuu ku dhexmaray bariga magaalada Hargeysa, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaartay labada dhinac.

5/15/2012 6:48 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ergooyinkii Puntland uga qaybgalaysay shirka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo dib ugu laabtay Garoowe, waxaana afhayeenka odyaashan uu sheegay in sababta ay Puntland ugu laabteen ay tahay sidii ay wadatashi uga sameyn lahaayeen maamulkooda.

5/15/2012 6:36 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay taliska AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa lagu sheegay in Maj. Emannuel Bizimana oo Al-shabaab ay sheegtay inay dileen habeenkii talaadada ahaa uu ka mid ahaa saraakiil 20-kii Oktoobar 2011 lagu dilay dagaal Al-shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray degmada Dayniile.

5/15/2012 3:28 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax taageero ah oo la taaban karo ka helin beesha caalamka, iyadoo kaddib muddo saddex bilood ah la filayo in looga gudbo marxalada ku-meel-gaarka.

5/15/2012 3:06 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Madaafiic ayaa xalay lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kalena waxaa isla xalay ka dhacay jidka warshadaha dagaallo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab.

5/15/2012 3:02 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in deegaanno uu ka taliyo ay gaareen xoogag Al-shabaab taabacsan, iyadoo maamulku uu sheegay inuu billaabay howgallo uu kaga hortagayo.