4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Al-shabaab oo sheegtay inay dishay Sarkaalkii Hoggaaminayay Ciidamada Burundi ee ka dagaalama degmada Dayniile (SAWIRRO)


Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay maanta inay dileen saraalkii hoggaaminayay ciidamada Burundi ee ka dagaalama degmada Dayniile, kaddib weerar gaadmo ah oo ay xoogaggoodu qaadeen habeennimadii Talaadadii lasoo dhaafay.

Al-shabaab ayaa warbixin iyo sawirro ku saabsan sarkaalkan ay dileen maanta kusoo bandhigay barta Twitter-ka ee ay leeyihiin waxayna sarkaalka magaciisa ku sheegeen, Imannuel Bizimana.

Sarkaalkan ayay ku sheegeen inuu yahay kii labaad oo ay Burundi ka dilaan, iyagoo sheegay in sarkaalkan kii ka horreeyay uu ahaa Juvenal Niyoyunguruza oo ahaa ku xigeenkii taliyaha ciidamada AMISOM.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca AMISOM oo ku saabsan sarkaalkan u dhashay dalka Burundi ee la dilay, iyadoo Al-shabaab ay dhowr jeer weeraro qaraxyo ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Midowga Afrika ay kaga sugan yihiin Muqdisho.

Ciidamada Burundi ayaa waxay ka mid yihiin ciidamada AMISOM ee ka howlgalaya dalka Soomaaliya, iyadoo bishii Oktoobar ee sannadkii hore looga dilay ciidamada Burundi in ka badan 76-askari dagaal ka dhacay degmada Dayniile.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya