4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Mareykanka oo sheegay in Sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsanaa uu hadda bilaabay inuu la shaqeeyo Garsoorayaasha Mareykanka

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ciidamada Al-shabaab uu hadda billaabay inuu kala shaqeeyo sidii ugu marqaati furi lahaa dadka taageeray iyo kuwa u dagaalamay Al-shabaab.

Sarkaalkan oo aan magaciisa lasoo bandhigin ayay saraakiil Mareykan ah sheegeen inuu goobjoog ka noqday dacwad lagu soo oogay Maxamed Ibraahim Axmed oo ku eedeysan inuu taageeray Al-shabaab.

Karen J. Greenberg oo ah sarkaal Mareykan ah ayaa ku tilmaamay arrintan mid guul leh, isagoo sheegay in haddii aad haysato dadkii dagaallada ka qaygalay ama goob-joog ka ahaa tababarrada iyo sida firkirka loo faafiyay ay noqon karto inaad guul ka gaarto fikirkaaga.

Ruuxan la sheegay inuu ciidamada Al-shabaab kasoo mid noqday ayaa la sheegay in la geyn doono maxkamadaha ay ka socdaan dacwooyinka ka dhanka ah dadka loo haysto inay Al-shabaab dhaqaale ku taageereen ama u soo dagaalameen si uu ugu marqaati kaco.

Mareykanku waxay sheegeen in sarkaalka Al-shabaab ka tirsanaa uu caddeeyay in Axmed iyo koox saaxiibbadii ah ay u duuleen Soomaaliya sannadkii 2009 ayna ka qaybgaleen dagaallo dhacay.

Sirdoonka Mareykanka ayaa waxay dacwado ku aaddan inay gacan siiyeen ama u dagaalameen Al-shabaab u haystaan dhowr qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku jiraan haween.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya