4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ka dhacday Xafiiska Afhayeenka Baarlamaanka

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Munaasabadda lagu dhaarinayay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Beeraha, xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta ka dhacday guriga afhayeenka baarlamaanka Somaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas'uuliyiin ay ka mid yihiin ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka qaybgalay munaasadda dhaarinta iyo wasiirka garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta, Sheekh Axmed Xasan Gaboobe ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta.

Wasiirka Garsoorka ayaa dhaariyay wasiirka cusub, iyadoo dhaarta kaddib ay halkaa hadallo ka jeediyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Gaas isagoo hambalyo kaddib ku boorriyay wasiirka inuu howsha loo magacaabay u guto si waafaqsan sharciga dalka oo haddana ku dhisan cadaalad.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in lagu jiro xilli lasoo gabagabeynayo ku-meel-gaarnimada ah wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay dowladda kala shaqeeyaan sidii lagu meelmarin lahaa qorshahaas.

Shariif Xasan ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda in dhameystirka ka bixidda xilliga KMG ah ay dhexda u xirtaan, isagoo ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay si dhaqso badan kusoo gudbiyaan magacyada guddiga ansixin lahaa dastuurka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xuseen Maxamuud uu yahay shaqsi khibrad leh isla markaana laga rajeynayo inuu xilkiisa ku guto si sharciga dalka waafaqsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya