4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo soo bandhigay Qorshe casri ah oo laga hirgaliyay xafiisyada Laamaha Socdaalka Somaliland

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Xaaji Cali Shire ayaa kaga qaybgalay magaalada Wajaaale hirgalinta Qorshe cusub oo ku saabsan hirgaliyey laanta socdaalka ee xuduudda Wajaale, waxaana xariga ka jaray laantaas taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf.

Qorshahan lagu soo kordhiyey Xafiisyada Socdaalka Somaliland ayaa ah Nidaam cusub oo lagu diiwaan galinayo Qof kasta oo Dalka soo galay ama ka baxaya, Iyada oo laga qaadayo Sawirka Faraha ee Dadka lagu kala saaro, taasi oo laga hirgaliyey dhamaan Xafiisyada Socdaalka, Qalabkaasi oo suurto-galin doona in la ogaado Cidda soo gashay Dalka iyo Ciddii bilaa sharciga ah.

"Maantana waxaa Xafiiskan Socdaalka ee Degmada Togwajaale si rasmi ah uga hirgalay oo Shaqadii si toos ah loogu bilaabay Qalab Casri ah ee lagu sawirayey Faraha Dadka (Finger Printer). Waxaana Maanta laga bilaabo ku diyaar ah Xafiisyada Socdaalka ee Lawyo-Cado, Tog-Wajaale, Dekada Berbera iyo Labada Madaar ee Berbera iyo Hargaysa Fiisayaashii Dal ku galka"ayuu yidhi Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Cali Yuusuf oo ka waramayey qorshahan cusub ee uu ka hirgaliyey meelaha dalka laga soo galo iyo meelaha laga baxaba.

"Waa Ilaahay Mahadii mar hadii Laamihii Socdaalka ee Somaliland ay xaga qalabka kala siman yihiin Caalamka, waa Horumar wayn oo ay ku tallaabsadeen Waaxda Socdaalku" Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Sacad Xaaji Cali Shire.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale ayaa isna soo dhoweeyey nidaamkan casriga ah ee ka hawlgalay xafiisyadda laamaha socdaalka somaliland, isagoo ku tilmaamay Horumar la gaadhay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland