4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo Jawaab ka bixiyay eedeyn uga timid Guddoomiyaha Degmada Beledweyne

Axad, May 13, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn ugu timid guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Barre Max’ed oo sheegay in guddoomiyuhu caqabad ku yahay howlaha maamulka gobolka.

Mudane Afrax waxaa uu ku tilmaamay in hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha degmada uusan aheyn mid mas’uuliyad xanbaarsan, howsha maamulka gobollkana si habsami leh ay u socto.

"Waan maqlayay isaga oo warbaahinta la hadllaya, dabcan qofku haddii uu ka soo bixi waayo xilkii la saaray, micno ma sameyneyso in warbaahinta laga hadllo oo dacaayado la fidiyo, mas’uuliyiinta maamulka gobollka waa ay shaqeynayaan, waxaa jooga ku-xigeenadii gobollka oo howlahoodii wata, waxaa jooga oo shaqeynaya isaga ku-xigeenadiisii, sidaa daraadeed waxaa meesha ka muuqata mas’uuliyad darro iyo in uu yahay qof shaqadiisii dib uga dhacay,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobollka waxaa uu sheegay in ay haboonaan laheyd halkaa uu warbaahinta ka adeegsan lahaa in wixii cabasho ah uu la soo socodsiiyo.

"Haddii ay cabasho jirto qaab sharci ah oo loo gudbiyo ayaa jirta, anniga ayaa ah shaqsiga ugu sareeya gobollka wakiilna uga ah madaxweynaha Soomaaliya, xitaa haddii uusan anniga waxba ila socodsiin, waxaa habooneyd in uu qaab sharci ah wasaarrada arrimaha gudaha cabashadiisa ugu gudbiyo, ma’aha in Idaacadaha wax laga daacayadeeyo ayuu yiri,’’ C/fitaax Xassan Afrax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta maamulka gobollka dhamaantood si wadajir ah u shaqeynayaan, isaga oo intaa ku darray in lagu howlan yahay adkeynta nabad-galyada, gargaarka, iyo waliba dib u dhiska gobollka, sidaa daraadeed loo baahan yahay in xoogga la saaro hormarka halkii laga shaqeyn lahaa in daacayad iyo eedeymo hawada leysku mariyo

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Barre Max’ed ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha gobollka Hiiraan in uu ku hor gudban yahay sida uu hadalka u dhigay habsami u socodka howlaha maamulka gobollka Hiiraan

Ma jiro mas'uul kale oo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo ka hadllay eedeynta uu soo jeediyay guddoomiyaha degmada Beledweyne oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta maamulka gobollka ay u soo magacaawday dowladda KMG.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya